|

Maxaa Lagu Xasuusan Doonaa Hoggaamiyihii Geeriyooday Ee Dalka Singapore Iyo Afkaartiisii Siyaasadeed?

Singapore:Mar,24,2015(SDN/QJ)-Caalamka waxa laga hadal hayaa Hoggaamiyihii hore ee Dalka Singapore Lee Kuan Yew oo shalay geeriyooday, waxana dad badani is weydiinayaan Raadadkii uu dunida kagag tegay ee Geesinimada waddankiisa looga qiray.

leecLee Kuan Yew oo 91-sano jir ah ayaa ahaa Hogaamiyihii u dagaalamay xorriyada dalka Singapore uu ka qaatay Dalka Ingiriiska, waxa uuna ninkani noqday Rai’izul Wasaarihii ugu horeeyay dalkaasi isagoona xukunka hayay mudo 31-sano ah.

Lee Kuan Yew, ayaa dunida caan ka ahaa waxana taariikhda ugalay waxyaabo badan oo ay yartahay inuu qof hoggaamiye ahi ku tallaabsado.

Hogaamiyahan ayaa lagu xasuustaa in uu ahaa ninka dhisay Dalka Singapore kana dhigay mid kamid ah dalalka ugu ganisan caalamka,waxa uuna dalkaasi ahaa kahor inta aanu Hogaamiyahan dhisin dhul aad u yar oon laheyn muhiiimad sidaa u weyn.

Guusha Singapore ay gaadhay ayaa waxay sare u sii qaadday sumacaddiisa, iyadoo loo arkay inuu ka mid ahaa shaqsiyaadkii ugu sarreeyey ee siyaasadda Aasiya wixii ka dambeeyay xilligii gumaysiga, walow uu dalka ku maamulayay qaab kali-talis.

Lee Kuan Yew ayaa ahaa nin gacan adag oo inta badan cadaadin jiray mucaaradkiisa waxa uuna xidhay qaar badan oo kamid ah dadkii kasoo horjeeday, Hogaamiyahan ayaana hal ku dhig u ahayd “…Hawsha aad Qabaneyso si wanaagsan u qabo ama faraha ka qaad’’

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed