Maxaa Lagu soo Afjaray Khilaafkii Buurta Simoodi Iyo Wefti Xukuumadda oo Isaga daba noqonaya Deegaanka Baki
Baki 17.June 2015 (SDN/QJ)- Khilaafkii ka dhashay buurta Siimoodi ee xukuumaddu heshiiska kula gashay shirkad Shiine ahi inay macdanta ka qodo, ayaa la soo afjaray kadib markii ay is-afgarteen dadka deegaanka iyo masuuliyiin ka tirsan dawladdu.
Wefti ka socda xukuumadda oo uu hoggaaminayey Wasiirka Wasaaradda Xidhiidhka Golayaasha Qaranka, Cilmi-baadhista iyo Tiknoolajiyada Md. Cali Xaamud Jibriil, ayaa kulamo ay la yeesheen dadweynaha deegaanka waxay ku heshiiyeen in la sii wado qodista macdanta shirkadda Shiinuhu hore u bilowday iyo in la soo sinaado dheefteeda, gaar ahaan wixii ay xaq u leeyihiin deegaanku.
Odayaal iyo waxgarad ka mid ah dadka deegaanka oo ka hadlay xaflad lagu shaaciyey heshiiskaasi, ayaa sheegay inay si buuxda u aqbaleen go’aankaasi oo la sii wado hawlaha baadhista macdanta ee buurta Siimoodi, iyagoo xukuumaddana u soo jeediyey inay ilaaliso xuquuqdooda.
Wasiirka Xidhiidhka Golayaasha Qaranka Md. Cali Xaamud Jibriil, ayaa isna ballanqaaday inay xukuumad ahaan masuul ka yihiin dhammaystirka xuquuqda shacabka deegaanka macdanta, “Macdantu way qodmaysaa, markaa wax alaale iyo wixii aad xuquuq leedihiin annaga ayaa idiinka masuul ah oo u joogna, annaga ayaanad nagu ogtihiin, wixii halkan ka soo baxaanna halkan uun ku eekaanmaayo ee gobolka oo dhan ayuu wada gaadhi doonaa, cid shakhsi ama beel gaar ah oo wax la siinayaa ma jirto ee dadka deegaanka oo dhan ayuu wada gaadhaayaa,” ayuu yidhi Md. Xaamud.
Waxa kaloo halkaa ka hadlay Guddoomiyaha Gobolka Awdal Md. Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax), Agaasimaha guud ee Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta iyo xildhibaanno Golaha Wakiillada ka tirsan oo iyaguna ka hadlay heshiiskan iyo muhiimada uu leeyahay.
Baki SDN/QJ