|

Maxaa la Gudboon Siyaasiga Hunguri uu ka hayo Jagada Raiisul wasaaraha Soomaaliya?

Muqdisho Dec 17, 2014(SDN/QJ)-Dawladihii Soomaaliya ee la dhisay intii ka danbeysay shirkii Carta ee Jabuuti lagu soo dhisay ayaa waxa ay ka sinaayeen isku doodaha soo noqnoqda ee u dhexeeya madaxweynaha iyo Raiisul wasaaraha.

Doodahaas oo sababayay in laga takhaluso kolba ruuxa haya xilka Raiisul wasaaraha kolka laga reebo dawladii madaxweyne Cabdulaahi Yusus oo iska hor imaad dhex maray isaga iyo Raiisul wasaare Nuur cade uu sababy in madaxweynuhu iscasilo.

Dawladihii la dhisay intii ka danbeysay sanadii 2000 ayaa waxa soo maray afar madaxweyne iyo 11 raiisul wasaare iyo ka iminka la soo wado.

Raiisul wasaareyaasha ayaa inta badan marka ay xildoonka yihiin waxa ay madaxweynaha u muujiyaan u hogaansanaan rabitaankiisa balse kolka xilka loo dhaariyo ayay la soo baxaan mucaarada dalka khalkhal gelisa marka danbena aan la iman taageero uu xilka ku sii hayo.

Madaxweyneyaashii Soomaaliya soo maray 14kii sano ee ina soo dhaafay ayaa waxa ay ka sinaayeen in ay aduun ku hantaan xildhibaanada Baarlamaanka oo intooda badan ku guul dareysta ka mid noqoshada xukuumada.

Sababtaa iyo habka dastuurku u qoran yahay ayaana u sahasha mar walba in ay tuuraan Raiisul wasaraha ay isqabtaan.

Hadaba  Raiisul wasaaraha haatan soo socda waxa la gudboon uun laba mid, ta koowaad in uu u hogaansamo waxwalba oo uu madaxweynaha doortaahi yiraahdo in uu meel mariyo iyo in aanu xilkaa aqbalin ama aayar iscasilo inta aanu dalka khalkhalka gelin.

Sidaa waxa loo oran karaa, ma jiraan xog ka qarsoon ruuxa haatan xodxodanaya xilkaa, waxa laga wada dheregsan yahay habka uu Dastuurka dalku u qoran yahay iyo waxa ay dhaxal siisay Raiisul wasaareyaashii hore.

Inta dalka Dastuurkiisa Soomaali ama cid ehel u ahi ay dib u habeyn ku sameyneyso Raiisul wasaaruhu waa in uu hanaanka u hogaansamaa.

SDN/QJ-Muqdisho

contact@qurbejoog.com

Comments are closed