|

Maxaa kusoo kordhay Ciidamadii iyo Diyaaradihii ay Kenya soo dhoobtay Xadka Somalia ?

Nairobi, 03 December, 2015-(SDN/QJ):-Ciidamadii ay Dowlada Kenya gudaha asbuucaani geysay xadka kala qeybiya Kenya iyo Soomaaliya ayaa  bilaabay dhaqdhaqaaqyo ciidan oo ay kawadaan xadka.

Ciidamada_Kenya_Somalia_AMISOM_660Ciidamadaani oo bilowga asbuucaani Xadka la imaaday ilaa Afar diyaarad nooca dagaalka ah ayaa waxa ay hada lasoo hareen Laba diyaarad nooca Helikobterka loo yaqaan.

Ciidamo dhan 180 oo bilowga asbuucaani laga ka kala soo xulay Xarumaha Ciidamada Kenya islamarkaana la dhoobay Xadka ayaa maanta oo Arbaco ah halkaasi ka bilaabay dhaqdhaqaaq xoogan oo ay ku baadi-goobayaan cutubyo ka tirsan Alshabaab kuwaasi oo weerar la damacsan Saldhigyada Kenya ee ku yaala Xadka iyo deegaanka Lamu.

Ciidamadaani ayaa maanta Xadka Soomaaliya iyo Kenya ku gaafwareegaayay gaadiidka gaashaaman, waxa ayna dadka xadka dega sheegen in rasaas ay ku fureen gaadiid ay la socdeen dad shacab ah oo ay uga shakiyeen Alshabaabnimo.

Ciidamadaani ayaa Xadka lagu sii heyn doono inta bishaani, waxa ayna Dowlada Kenya u diyaar garooweysaa munaasabado.

Kenya waxay sheegtay in ciidamada badan ee lasoo dhoobay dhanka xuduuda ay ka dambeysay markii Alshabaab badan ay dhaqdhaqaaqyo ciidan ka sameeyeen dhanka xuduuda ayna waxyeelo u geysteen dad rayid ah.

Ciidamada Kenya ayaa sheegay in dhalinyarada ka tirsan Alshabaab oo gaaraya inka badan 10 ruux lagu arkay deegaanada Konton iyo bariga Wajeer, kuwaasi oo waxyeelo u geystay dadka deegaanka.

Comments are closed