Maxaa Keenay In Dalal Ka Tirsan Jaamacada Carabtu ay U Jareen Xidhiidhkii ay La Lahaayeen Waddanka Qadar?
Hargaysa 06. June 2017 (SDN/QJ):- Arrinta xiisaha lihi ma aha in ay Sacuudiga, Masar, Midowga Imaaradaha Carbeed iyo maqaarsaarka Yamaneed xidhiidhka ka goosteen Qadar. Waayo diblomaasiyadda Carbeed sideedaba ma deggana oo waa shuqul ciyaal, ciyaar kubadda cagta ah ayayna ku colloobi karaan.
Arrinta xiisaha, yaabka iyo iswayddiinta mudani waa dalkaa yar ee Qadar waxa uu dunida ka wado iyo sababteeda?
Qadar oo aynnu wada degganaan jirnay, sida aad og tahay waa dal aad u yar, dad iyo dhulba, laakiin hodan ku ah shidaalka siiba gaasta. Horraamihii 1970-nadii ayuu dalkaasi dawladnimada ka qaatay inbaradooriyaddii Biriteyn. Muddo dheer waxaa ka talin jiray oday qunyarsocod ahaa oo la odhan jiray Khaliifa bin Xamad Aala Taani.
Badhtamihii 1990-nadii ayay wiilashiisa oo Xamad hoggaaminayaa isaga oo dalka ka maqan afgembiyeen una diideen in uu dalka ku soo noqdo.
Xamad iyo walaalladii markiiba dalkii wax ay geliyeen xaalad siyaasadeed oo cusub. Furfur dhaqan-dhaqaale ayay la yimaaddeen, cawrannimadii dumarka ee guryaha lagu qarin jiray waa ay fududeeyeen, si la rumaysan kari waayay ayayna Amiirka xaaskiisu warbaahinta u ga soo baxday oo kaalin weyn oo muuqata bulshada ku yeelatay.
Israa’iil ayay xidhiidh la yeesheen oo gaastooda ka iibiyeen. Wanaajinta xidhiidhka Israa’iil iyo Carabta ayayna ka shaqeeyeen. Tartanno isboorti oo kuwa dunida u gu sarreeya ah ayay dalkooda ku qabanqaabiyeen, wax ayna ku guulaysteen in ay martigeliyaan koobka isboortiga adduunka u gu culus ee kubadda cagta sannadka 2022.
Dabayaaqadii 1990-nadii wax ay fureen fogaanaragga Aljasiira, kaas oo ay tayadiisa iyo awooddiisa warbaahineed dunida fajaciso ku ridday, dawladaha waaweyn oo dhamina ka qayliyeen. Aljasiira wax uu afhayeen iyo cod u noqday hal bilyan iyo badh muslin ah iyo boqollaal malyuun oo carbeed oo cabbudhsanaa oo beenta dawladahooda u dullaysnaa.
Mar dhawr sano imika la ga joogo si lamafilaan ah ayuu Xamad isu casilay taladii dalkana wiilkiisa ku wareejiyay, kaas oo ah dhaqan aan carabta ku badnayn.
Siyaasadaha waaweyn ee dunida ayay Qadar ku yeelatay faragelin iyo saamayn. Wax ay noqotay dawladda qudha dunida ee Daalibaanka argagixisada ku xukuman xidhiidh la leh ee xafiis u furtay, halkaas oo ay dunida kale ka la xidhiidho. Doorashadii Maxamed Mursi ee Masar Qadar baa kaalinta kowaad lahayd xagga maalgelinta iyo dacaayadda, ilaa Mursi la doortay. Dagaalka Suuriya wax ay ku lee dahay kaalin aad u weyn oo dhanka kacdoonka raacsan.
Wax aynnu wada og nahay dalkaa yari in uu faragelin cad oo joogto ah ku hayo siyaasadda Koonfurta Soomaaliya. Xan badan baa sheegta Qadar in ay xidhiidh hoose la lee dahay kooxaha xagjirka ah ee soomaalida. Dhowaan wax aynnu maqalnay dawladda Xamar oo Qadar ka codsatay in ay iyaga iyo Alshabaab dhexdhexaadiso.
Innagu celi haddaba wayddiintii yaabbanayd: Qadar waa maxay? Ma dawlad baa mise waa agent? Tallaabooyinka isla weynida ah iyo qariskatuurnimada joogtada ah maxaa u gu wacan? Waa maxay damaceeda qarameed ee ay dabo joogto ee ay waxan oo hanti iyo dadaal ah u huraysaa? Ma la ga yaabaa Qadar iyo booddaalaysigeeda in ay cid kale oo awood badani ku danaysato?
Ilmo Khaliifa bin Xamad Aala Taani kolley aniga waa ay i ga yaabiyeen!
Waxaa Qoray Ibraahin Yuusuf Axmed Hawd