Maxaa kasoo Baxay Xukunkii Kufsiga degmada Galdogob ee gobolka Mudug?
Galdogob 29. January 2017 (SDN/QJ):- Saxaafada degmada Galdogob ee gobolka Mudug ayaa heeggan buuxa lagaliyey si ay soo duubaan Xukun Kufsi degmadaasi dhawaan ka dhacay oo Culimadu ay u fadhiday.
Warar hoose oo Warbahintu ay ka helayso Xukunka Culimada ay ridayso ayaa sheegaya inay ku heshiiyeen beelaha labada dhinac Qoyska Gabdhahooda Tacadiga lakulmeen in lasiiyo min $4.000 Dollar sidoo kale Meherka gabadha iyo Xarig 10 Sanno ah.
Wararka ayaa sidoo kale Waxay sheegayaan inuu jiro Xukun kale oo kaas u sii dheer oo ah in loogu siidaro Xukunka Karbaash ah ama Jeedal lagu fulinayo dhalinyarada Kufsigaasi u gaysatay labada Gabdhood degmada Galdogob ee gobolka Mudug.
Arintan ayaa kusoo aadaysa iyadoo magaalada Galdogob ay kusuganyihiin Wafdiyo ka socda Puntland iyo dawlada federalka Soomaaliya oo halkaasi ay u tageen inay goobjoog ka noqdaan xukunka lagu ridayo dhalinyaradan.
Xalay ayaa sidoo kale degmadaasi waxa gaaray ciidamo lagu xoojinayo amniga degmada iyadoo dhawaana ay tageen ciidamo kale oo sugaya amniga masuuliyiinta kusugan degmada iyo goobta uu xukunku ka dhacayo.