Maxaa kala qabsaday Guddoomiye Saleebaan iyo Xubno Guurtida ah oo Xaqal Ciid Waydiistay Mar uu xidhmayay Kalfadhigii Ggolaha Guurtida Somaliland? DAAWO
Hargaysa 09.Sep 2016 (SDN/QJ):- Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Md. Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa gaashaanka ku dhuftay codsi uga yimid xubno ka tirsan Golaha Guurtida Somaliland oo waydiistay in uu xaqal ciid siiyo wakhti uu xidhmayay kalfadhigii golahaasi sidaana golaha guurtidu ku galay fasax dhan 45 maalmood isaga oo sheegay in xaqal ciid la isa siiyo ay umaddan ugu dambaysay dawladihii rayidka ahaa ee ka horreeyey dawladdii Milatarigii Soomaaliya ee Maxamed Siyaad Barre oo wakhtigaasi xaqal ciid loo bixin jiray nus mushahar sida uu saleebaan sheegay isaga oo codsiga xaqal ciidka ee golaha uga yimid ku canaantay in saddex gole qaran yihiin kuwa kaliya ee xoolihii umadda cunay sannad walbana wax u kordhaan oo aanay jirin cid sidaasi oo kale wax ugu kordhaan.
Sidan waxa uu Guddoomiye Saleebaan ka yidhi xidhitaanka Kalfadhigii ugu dambeeyey ee u socday muddooyinkan Golaha Guurtida Somaliland kaasoo galay fasax dhan 45 maalmood balse guddoomiyaha oo hadlaya shirkana xidhaya ayaa waxa codsi xaqal ciid doon ahi ka soo baxay mid ka mid ah xildhibaanada Golaha guurtida taasi oo hadalka ka keentay Gudoomiyaha Guurtida oo diiday in la bixiyo wax xaqal ciid ah waxaanu guddoomiye Saleebaan yidhi: “Waaryaadha waaa nimanka xaqal ciid ha lahaaninee , waxii qaranka ka soo baxaayey saddex deenan gole uun baa isku koobey ma cid kale ayaa wax inala qeybsata , nin waliba intiisa ha isku filneysiiyo , wax sannadkii wax kordhaan idinka uun baa jira , inteenaas saddex gole mooyaane cid kale oo ay wax u kordhaan ma jirto ” ayuu yidhi gudoomiye Saleebaan.
Guddoomiyaha oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi: “Xaqal Ciidka, ma garanayo wakhti ugu dambaysay oo xaqal ciid la bixiyo. Dawladihii Civil-yanka ahaa ee Maxamed Siyaad Barre ka horreeyey baa nus mushahar bixin jiray wakhtiyada ciidaha. Innagu ciid iskuma haysanno Ilaahay garabkiina ha galo ee sidaa ku nabad gala” ayuu hadalkiisa ku soo xidhay Saleebaan Maxamuud Aadan.