Maxaa kala haysta Tuulo Jooga reer Yugaandha iyo yaxaasyada?
Hargaysa 13.November 2016 (SDN/QJ):- Wakaalada ilaalaynta iyo xanaanada duurjoogta ee Dalka Yugaansha waxaa lagu eedeeyey inay yaraysteen oo dayaceen nolosha dadka tuulo jooga ah eek u nool deegaanada kulaalaya Webiga KAFU, dadkaas oo ay soo weeraraan yaxaasyada webigu kana cunaan caruurtooda.
Dadweynaha degan tuulada Kimengo oo ka tirsan gobolka Masindi ayaa ku eedeeyey mas’uuliyiinta hay’adda duurjoogta inay ku guuldaraysteen inay ka badbaadiyaan khatarta yaxaasyada ku jira Webiga Kafu oo weeraro joogto ah ku haya kana cunay caruurtoodii
Sida qisadani ka waramayso shilkii ugu dambeeyey ee dhacdadani ku saabsanaa waxa uu dhacay dhamaadkii bishii Oktoobar markii inan yar oo ardayad ah oo shan jir ah oo dhigata dugsiga Hoose ee Kakianga oo ku yaalla Gobolka Nakasiongola uu yaxaasku cunay xilli ay biyo ka soo dhaansanaysay webiga.
Hay’adda Duurjoogta ee Dalka Yugaansha oo ka hadashay eedaymaha loo soo jeediyey ayaa sarkaalka wakiilka uga ah gobolka Nakasiongola Richard Muhabwe waxa uu sheegay in aanay xiligan haysan shaqaale ku filan oo ay gaar ahaan kaga hortagaan waxyeelada xayawaanada xamaaratada ah, isla markaana aanay ahayn xiligii ugu horeeyey ee la dareemo khataraha iyo argagaxa uu yaxaasku ku hayo muwaadiniinta.
7-dii Bishii Septembar ee sanadkan ayay ahayd markii wargayska daily Monitor ee wadanka yugandha uu baahiyey in uu geeriyooday inan yar oo 17 jir ahaa oo kaluumaysato ka ahaa webigu kas oo u geeriyooday dhaawacyo ka soo gaadhay weerar uu kala kulmay yaxaasyo xilii uu ku sugnaa Gobolka Buyikwe
Bishii may ee isla sanadkan ayay dadweynaha Deegaanka Tarogali Parish ee dalka Yugaandha waxay ka codsadeen mas’uuliyiinta Wakaalada duurjoogta inay xal u helaan dhibaatda ay ku hayaan yaxaasyada oo dilay ka dibna cunay ugu yaraan 14 ruux oo deegaankooda ka soo jeeda.
Bishii April ayay iyana ahayd markii lagu warbixiyey in dadweynaha reer Yugaandha ee ku nool jasiirad la moodka webigu ku xeeran yahay ee kala ah Bugaba, Kasizi, Kagoonya iyo Bukasa oo dhamaantood ka tirsan gobolka Kalangala ay ku jiraan xaalad walaac leh oo kaga imanaysa weerarada xidhiidhka ah ee kaga imanaya yaxaasyada webiga.
Mr Peter Ogwang oo isna ka mid ah mas’uuliyiinta Wakaalada duurjoogta dalka Kenya oo u waramay wargayska http://www.monitor.co.ug/ waxa uu ku eedeeyey dadweynaha tuulo jooga ah ee webiyada inay burburiyaan moosaska dhadheer ee webiga oo ay cammuuda siyaabo kala uga faa’iidaystaan, taasina keento inay yaxaasyadu meelaha qaarkood si fudud webiga uga soo baxaan.
Dadka ka faalooda arimaha deegaanka ee Gobolkaa ku sugani waxay aaminsan yihiin in hadii aan la helin qaab ay dadweynuhu kaga nabadgalaan yaxaasyada ay iman doonto in dadku u dilaan xayawaanada qaab difaacu-nafsi ah, taasina ay dhabbaha u xaadhi doonto in la bilaabo hawlo ganacsi oo sharcidarro ah oo lagula kaco xayawaanka duurjoogta ah ee wadankaasi yugaandha.