|

Maxaa Ka Soo Baxay Shirweynahii Dhaqaalaha iyo Ganacsiga ee Afrika iyo Turkiga? (Warbixin Xiiso Leh)

Istanbul 06.Novembar 2016 (SDN/QJ):- ‘Turkigu waxa uu diyaar u yahay inuu la wadaago saaxiibadiisa Afrika waayo aragnimadiisa dhanka horumarinta’ sidaa waxa laga sheegay gebagebadii shirweynahii dhaqaalaha iyo ganacsiga ee Afrika iyo Turkiga oo Khamiistii lagu soo gebagebeeyey magaalada Stanbul ee Dalkaasi Turkiga.

 

shirkii-dhaqaalaha-iyo-ganacsiga-ee-turkigaShirweynaha oo socday muddo labo maalmood ah waxaa ka soo qaybgalay ilaa 2000 ergay oo ka kala socday shirkado ganacsi oo Afrikaan iyo Turkish isugu jira , Ururka midnimada Afrika iyo Xukuumadaha Qaarada Afrika badankooda waxana diirada lagu saaray sidii Turkiga iyo qaaradda afrika ay mustaqbalka u sii kordhin lahaayeen iskaashi dhaqaale oo qoto dheer oo ay sii lahaadaan iyo in si wadajir ah loo bilaabo baadhitaano ku saabsan sidii ganacsiga looga horqaadi lahaa caqabadaha ay ka mid tahay tacriifadaha cashuurahu iyadoo la wada gelayo heshiisyo iyo iskaashi ganacsi oo damaanad qaadaya ilaalinta qaybaha kala duwan ee Ganacsiga Qaaradda Afrika .

Shirweynaha waxaa hoosta lagaga xariiqay qorshayaasha istaraatiijayadeed ee Turkigu kor ugu sii qaadayo ganacsiga labo geesoodka ah ee ay la leeyihiin Qaaradda Afrika.

Bayaankii Gebagebada Shirweynaha laga soo saaray waxa lagu sheegay in lagu heshiiyey  in mudnaanta la siiyo iskaashiga dhanka kaabayaasha nolosha aadamaha iyadoo laga duulayo wax wadaqabsiga Afrika iyo Turkiga. Halka sidoo kalena la isla tilmaamay meelaha ay suurogalka tahay inay ka jiraan fursado ganacsi oo la iska kaashan karo waxana farta lagu fiiqay Adeegyada dhismaha, daryeelka caafimaadka, cuntada iyo tamarta, inkastoo la xusay in ganacsiga xiligan u dhexeeya Afrika iyo Turkiga oo qiimahiisu sanadkii gaadhayo 17 Bilion oo Doolar aanu ku filnayn isla markaana ka turjumayn waxyaabaha suurogalka ah.

Gudoomiyaha rugta ganacsiga iyo wershadaha ee Qaaradda Afrika Solomon Afework, oo shirweynahaa ka hadlayey waxa uu sheegay in Qaaradda Afrika oo ah Qaaradda labaad ee ugu dadka badan dunida ay tahay albaabka dhabta ah ee mandaqado kale oo badan marka loo eego juquraafi ahaan halka ay ku taallo, Xukuumadaha Afrikana aaminsan yihiin in ganacsiga gaarka loo leeyahay uu yahay mashiinka laga qiyaaso ganacsiga si joogto ahna u caddaynayaan shuruucda ku taxaluqda arintaasi. Waxana uu Gudoomiyaha rugta ganacsigu farriin ku aaddan maalgashiga Afrika u diray ganacsatada dalkaasi Turkiga oo uu ugu baaqay inay Afrika diyaar u tahay maalgashi lagu samaysto.

Anthony Mothae Maruping, oo ka socday gudiga arimaha dhaqaalaha ee ururka midnimada Afrika ayaa isna dhankiisa waxa uu adkeeyey doorka Turkiga ee ku aaddan sidii uu Biriij xidhiidhiya u dhigan lahaa Qaaradda Afrika isagoo xusay in Afrika u baahan tahay wax wada qabsi ay la yeelato dhinacyo kala duwan gaar ahaana dalalka dhaqaalahoodu xawliga ku socdo oo uu Turkigu ka mid yahay, taasoo uu ku macneeyey mid uu u baahan yahay isbedelka dhaqaale ee Afrika hiigsanayso.

Wasiirka Dhaqaalaha ee Dalka Turkiga Nihat Zeybekci oo shir jaraa’id qabtay dhamaadkii kulanweynaha ka bacdi waxa uu sheegay in ay sii wadayaan taageerada ay siiyaan Qaaradda Afrika

Madaxweynaha Dalka Turkiga Rajab Dayib Ordogan oo shirweynahaa khudbad ka jeediyey waxa uu sheegay in mudnaanta Afrika ay sidoo kale  tahay Mudnaanta Turkiga

Ordogan oo soo qaatay murtida Afrikaanka ah ee tidhaahda ‘Roob maalin keliya  da’ay camuudda hoos uma wada gaadho’ ayaa waxa uu sheegay in dalalka reer Galbeedku ay weli sii wadaan qorshayaashoodii Gumaystanimada iyagoo u soo maraya kelmada globalization oo uu ku macneeyey inay tahay in hal nooc oo kobcinta dhaqaalaha ah loo yeedhinayo dalal kala duwan, tusaale ahaana culays lagugu saarayo in hadii aad doonayso inaad dhaqaalaha kordhiso in aad u baahan tahay hay’adda lacagta adduunka ee IMF ama Baanka adduunka oo kale.

Madaxweynaha Turkigu waxa uu ku sifeeyey nadaamka hantigoosiga ah ee xiligan casriga ah jira mid aanay ka madhnayn gumaysinimo iyo is addoonsi.

Dhanka kalena Madaxweynaha Turkigu waxa uu Dawladaha Afrikaanka uga digay sida ay argagixisanimadu u dhaawacdo kobcinta dhaqaalaha waxana uu ka codsaday inay gacan ka siiyaan sidii loo cidhibtiri lahaa argagixisada uu hogaamiyo  Fatxulaahi Gulan oo ahaa kooxdii ka dambaysay inqilaabkii fashilmay ee Dalka Turkiga

Madaxweynahu waxa uu sheegay in wasaaradiisa waxbarashadu ay dalal badan oo Afrikaan ah ka soo saartay schoolaad-ka uu ka ganacsado fatxulaahi Gulan, isagoo ka dalbaday dalalka Afrikaanku inay arintaa kala shaqeeyaan wadankiisa, waxana isaga oo arintaa ka hadlayey uu Madaxweyne Ordagan yidhi sidan: ‘Waa waajibkayga in aan idiinka digo argagixisada fatxulaahi Gulan oo aanu ognahay inay jogitaan ku leeyihiin 170 dawladood’.

Dhanka kalena Raysalwasaaraha Turkiga Binali Yildirim oo shirweynahaasi furitaankiisii ka hadlay waxa uu sheegay in xidhiidhka iyo iskaashiga ay turkigu la yeelanayaan Qaaradda afrika uu ka duwan yahay ka wakhtiga kooban ee Reer Galbeedka, Qaarada afrikana ay leedahay mustaqbal wanaagsan, waxana uu yidhi sidan:’ Afrika uma joogno in aanu faa’iido ganacsi helno waxaanu u joognaa sidii aanu faa’iido iyo khasaare, farxad iyo murugo intaba ula wadaagi lahayn saaxiibadayada Afrikaanka’. Isagoo intaa ku daray in tusaale ahaan Shirkada Duulimaadada diyaaradaha ee Turkish Airways ay duulimaado ka samayso ilaa 50 magaalo oo ku kala yaalla 31 dawladood oo Afrikaan ah, madaarada wadamada Afrika qaarkoodna ay dhismayaal ka fuliyeen iyagoo shirkadaha dhismaha ee Turkigu ay sanadkan gudihiisa Afrika geliyeen maalgashi ka badan 6 Bilion oo Doolar.

Sida la ogyahay jamhuuriyada Somaliland waxay ka mid ahayd dalalka shirweynahaasi ka qaybgalay ka dib casuumad rasmi ah oo ay Turkigu u fidiyeen, waxaana weftiga Somaliland hogaaminayey Wasiirka Xidhiidhka Golayaasha iyo Tiklanoojiyada Caalamiga ah ee Somaliland, Cali Xaamuud Jibriil oo shirkaa ka sharaxay fursadaha maalgashi ee Somaliland ka jira iyo qorshayaasha Qaran ee Tiknoolajiyada Somaliland.

Shirweynaha ku xiga ee Ganacsiga iyo dhaqaalaha Afrika iyo Turkiga waxaa la qorsheeyey in la qabto sanadka 2018.

Comments are closed