|

Maxaa ka jira wararka sheegaya in xil ka qaadis lagu sameynayo taliyaha ciidanka Booliska Somalia?

Muqdisho 09. July 2017 (SDN/QJ):- Waxaa maalmahan soo baxayey warar isa soo taraya oo sheegaya in xilka laga qaadayo taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed Jen. C/xakiin Daahir Saacid oo muddo kooban ka hor xilkaas loo magacaabay.

Ilo wareedyo muhiim ah ayaa sheegaya in Taliye Saacid ay dhaleeceyn la xiriirta wada shaqeyn xumo kaga timid laamaha kale ee amaanka dowlada.

 

Taliyaha nabad sugida Sanbaloolshe ayay warar soo baxaya sheegayaan inuu madaxda sare ee dowlada u gudbiyey eedeeymo la xiriira in Jen. Saacid uu isdaba joog ah u gudan waayey waajibaadkii ka saarnaa falal amni daro oo lagu wargeliyey inuu wax ka qabto.

 

Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in xilka ka qaadista taliyaha booliska uu hor taagan yahay agaasimaha Madaxtooyada Somalia Fahad Yaasiin oo abti ugu aadan, kaasoo markii horeba ka dambeeyey magacaabidiisa.

 

Jen. C/xakiin Daahir Saciid Saacid Taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo saxaafada la hadlay xalay ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay wararka soo baxaya ee sheegaya in xilka laga qaadayo, waxuuna sheegay in hawlaha booliska ee ay dawladdu u igtmatay uu sii wadi doono.

 

Wuxuu sheegay inay kordhin doonaan Tababarada ay siinayaan Ciidamada Booliska, sidoo kalena ay u dhameystiri doonaan dhammaan agabka ay ku howlgalaan.

Comments are closed