|

Maxaa ka Jira in Sarkaal Faransiisa oo Shabaabku Afduubeen sadex sao ka hor uu Islaamay,tababarabna u yahay Shabaabka?

Muqdisho July 15,2012(SDN)-Nin u dhashay dalka Faransiiska oo in ka badan sadex sanadood ay Shabaabku afduub u heysteen ayaa la soo sheegayaa in uu Muslimay isla markaana tababro siiyo caruur Shabaabku u carbinayaan dagaalada ay kula jiraan AMISOM iyo ciidamada dawlada.

Hadalkan oo laga soo xigtay sarkaal sare oo ka tirsan kooxda Ahlu Sunna oo u waramay iddaacada Bar kulan ayaa waxa lagu sheegay in sarkaalkan uu magiciisii bedelay isla markaana ku sugan yahay degaanka Ceelbuur.

Sarkaalka Faransiiska ah oo la odhan jiray Denis Allex ayaa hada loona bixiyay Abuu Cumar waxaana uu kolkiisii hore Soomaaliya u tegey in tababro siiyo ciidamada dawlada KMG ah ee Soomaaliya.

Dhawr maalmood ka hor ayuunbay aheyd mar ay dawlada Faransiisku sheegtay in Denis weli nool yahay.

Hadalkan Ahlu Sunna sarkalka ka tirsani uu sheegay ee ku saabsan askarigan faransiiska ah ayaa waxa uu ka soo xigtay qaar ka mida waalidiinta caruurta Shabaabku xooga ku tababraaan.

Si kastaba ha ahaatee waa arrin ugub ku ah dagaalada in ruux la afduubtay uu kooxdii afduubatay ku biiro oo uu tababrona siiyo.

SDN-Muqdisho

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed