Maxaa ka jira in reer Buhoodle dibedda dhigeen Maamulkii dhawaanta looga dhawaaqay Taleex ee Khaatumo?
Buuhoodle Feb 12,2012(qurbejoog.com)-Sida ilo wareedyo ku sugan degmada Buuhoodle u sheegeen somalidiasporanews.com waxa beryihi ina dhaafay ay wax garadka degmada Buuhoodle ku jireen shirar wada tashi oo ay uga fiirsanayaan maamulka Khaatumo State oo damacsan in xarun uu ka dhigto degaankooda.
Sida ilo wareedyadu tibaaxayaan waxa ay dadka degaanka iyo waxgaragka degmeda Buuhoodle isla qaateen in maamulka Khaatumo ay isga baxaan degaankooda,
Wararka qaar ayaa sheegaya in dadka degaanka aaney ku qanacsaneyn habkii loo maareeyay awood qeybsigii lagu soo dhisay maamulka.
Mid ka mida madaxweyneyaasha sadexda ah ee Khaatumo State oo ka soo jeeda degmeda Buuhoodle ayaa ilo wareedyadu sheegayaan in goaanka waxgaradka degaanka uu la qaatay,ma cada in uu xilka uu hayo iska casili doono iyo in kale.
Hogaamiyihii hore ee SSC Saleebaan Xaglotoosiye oo isna ka soo jeeda degaanka Buuhoodle ayaa hore u qaadacay natiijadii ka soo baxday shirkii Taleex ee lagu soo dhisay maamulkan Khaatumo
Maamulka Khaatumo State ayaa lagu wadaa in uu u ruqaansado dhanka tuulada Tukaraq oo ah aag ay isku horfadhiyaan ciidamada Puntland oo kaashanaya qaar degaanka ah iyo ciidamada Somaliland.
Qurbejoog-Buuhoodle
contact@somalidiasporanews.com