Maxaa ka Jira in Khilaaf ka dhex Qarxay Siyaasiyiinta Khaatumo, Cali Ciise Cabdi-na Muqdisho ka degay?
Buuhoodle 03. March 2017 (SDN/QJ):- Hoggaamiyeyaasha Kooxda Khaatumo ee Cali Khaliif Galaydh iyo Cali Ciisse Cabdi, ayaa la sheegayaa in uu khilaaf xooggani soo kala dhex galay labadooda, kaasoo wararku sheegeen inuu ku salaysan yahay wadahadalka Somaliland iyo Khaatumo u furmay oo wejigii labaad horraantii bishii labaad ee sannadkan ka qabsoomay magaalada Jabuuti ee dalka Jabuuti.
Inkasta oo aanay jirin Warar rasmi ah oo ay Cali Khaliif iyo Cali Ciise ka soo saareen ama kaga hadleen khilaafkooda, haddana sida ay sheegayaan ila-wareedyo kala duwan oo Wargeyska Ogaal warkan ka soo xigtay, Siyaasi Cali Cisse Cabdi, kana mid ahaa Siyaasiyinta Dhistay Kooxda ay ugu yeedheen Maamulka Khaatumo, ayaa la sheegay in uu ka xanaaqay qodobbaadi ay isku afgarteen labada dhinac kulankii uu dambeyee ka dhacay dalka Jabuuti, hase yeeshee war rasmi ah oo ka soo baxay Siyaasiyiintaa oo khilaafkooda ay ku caddeeyeen ma jiro.
Siyaasi Cali Ciisse Cabdi ku wajahan kulankii wadahadalka Somaliland iyo Khaatumo, isla markaana sababey in Isaga iyo Siyaasi Cali Khaliif ku kala baydheen labadan.
Ila-wareedyadu waxay intaas ku ladheen in uu labada Siyaasi ku kala baydheen qodobka Wadahadalku u socdo ee la xidhiidha heshiiska iyo midnimada Somaliland iyo Khaatumo oo la sheegay in Cali Ciise Cabdi si weyn uga soo horjeestay.
Sidaa awgeed, waxa la sheegay isku dhacoodaas ka dib in Siyaasiga Cali Ciise Cabdi ka degay maalmo ka hor magaalada Muqdisho, isla markaana ka mid noqday Siyaasiyiinta gobollada Sool iyo Buuhoodle u dhashay ee u xusul-duuban inay xilal ka helaan Xukuumadda cusub ee Federaalka Soomaaliya oo heshay Codka Kalsoonida Baarlamaanka lana Soo Dhisi Doono Golihii Wasiirada.
Wararku waxay intaa ku darayan In Boqashadii uu Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya ku tegay dalka Boqortoyada Sucuudiga todobaadkii inna dhafay ay xidhidh dhinaca Isgadhsiinta Teleefanka ahi dhex maray Madaxweyne Farmaajo iyo Siyaasi Cali Ciise Cabdi, sida ay tibaaxayaan ila-wareedyada Ogaal Warkan ka soo xigtay.
Geesta kale, Warar Wargeyska Ogaal ka helay deegaanka Xidhxidh ee Koofurta gobolka Sool, ayaa sheegaya inay halkaas shir uga bilaabmay Hoggaamiyaha Khaatumo Cali Khaliif Galaydh iyo Kooxda Khaatumo inta ay isku siyaasadda yihiin iyo Odayaasha Dhaqanka iyo Dadka deegaanka qaarkood.
Waxay wararka Xidhxidh laga helayaa, intaas ku dareen in Prof. Cali Khaliif Galaydh ay Shirkaas ku weheliyaan oo ay kala qaybgaleen Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Khaatumo oo ay ka mid yihiin sida la sheegay Xildhibaan Maxamed Cali Hayaan iyo Xildhibaan Maxamed Axmed Yaasiin iyo Waxgarad kale oo la shaqeeya
Maamulkaasi oo dhinac ah iyo Guddoomiye Ku-xigeenka Golaha Wakiillada Somaliland Baashe Maxamed Faarax, oo ay weheliyaan Xildhabaanno ka tirsan labada Gole Baarlamaan ee Somaliland iyo Siyaasiyiin caan ka ah Somaliland, kana soo jeeda degaannadaas.
Siyaasiyiinta ka socota dhanka Somaliland, waxaa la sheegay inay ka mid yihiin; Xildhibaan Maxamed Axmed Dhakool oo Golaha Wakiillada Somaliland ka tirsan, Xildhibaan Cawil Cabdillaahi Caydiid iyo Wasiirkii Hore ee Caafimaadka Somaliland Axmed Xasan Cali (Casoowe), si ay Dadka Deegaanka iyo Madaxda Dhaqanka uga qanciyaan ujeeddada loo socda iyo muhiimadda wadahadalka Somaliland iyo Khaatumo u leeyahay Dad ahaan iyo deegaan ahaanba, sidaa awgeedna ay ka codsanayaan in la taageero wadahadallada iyo natiijada ka soo bixi doonta mustaqbalka dhaw.
Kooxda Khaatumo Koox ka tirsan oo la baxday G11, isla markaana ahaan jiray Musdambeedka Khaatumo oo Garaaddada deegaannadaa laga qaddariyo qaarkood hoggaamiyaan, ayaa la sheegay inay ka soo horjeedeen Wejiga labaad ee wadahadalka Somaliland iyo Khaatumo ee Jabuuti ku qabsoomay horraanta bishii labaad ee Febraayo 2017, kuwaas oo diidmadoodu sababtay in Cali Khaliif Galaydh lagu xannibo Buuhoodle, isla markaana ay Koox Hubaysan oo G11 ka amar-qaadataa ku reebtay Diyaarad Jabuuti ka timi oo uu raaci lahaa si uu shirkaa wadahadalka uga qaybgo, taasoo keentay inuu Gaadhi kaga soo guuragalo Buuhoodle oo uu ku yimaaddo Hargeysa oo uu uga sii dhoofay dhinaca dalka Jabuuti oo uu wadahadalkaas kaga qaybgalay.
Kooxdaas oo la sheegay in Cali Ciise Cabdi ay isku Siyaasad ahaayeen, kana wada dhursugayeen natiijada doorashada Soomaaliya ee qabsoontay 8-dii bisha labaad ee sannadkan 2017-ka.