|

Maxaa ka Jira in Gudoomiye Muuse Biixi iyo Murashaxa Madaxweyne ku Xigeenkiisa Mr Saylici uu Khilaaf ka dhex Curtay ? DAAWO

Hargaysa 21. February 2016 (SDN/QJ):- Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye ahna Murashaxa Jagadda Madaxweyne ee Xisbigaas Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa markii Kowaad ka hadlay dareenkiisa la xidhiidha dhacdadii Goob diiwaangelineed oo Ku taala Degmadda Lughaya ay Koox dablay hubaysani Weerar ku qaadeen.

Md. Muuse Biixi waxa uu ku tilmaamay falkaasi mid ka dhan ah qabsoomidda doorashooyinka iyo hannaanka dimuqraadiyadda Somaliland, isla markaana waxa uu sheegay in salaadiinta loo xidhay weerarkaasi ay meel kaga dhaceen haybaddii madaxdhaqameednimo ee ay huwanaayeen.

Sidoo Kale , Murrashaxa Madaxweynaha KULMIYE waxa uu ka jawaabay eedaymo uu u jeediyey Guddoomiyaha UCID inay hawsha diiwaangelinta u beddeleen olole siyaasadeed, waxaannu yidhi, “Waxay ila tahay waa waajib in axsaabtu joogto oo shaqadooda gutaan, xisbiga ka habsaamay isagaa eedda leh, waayo ninka doorasho doonayaa waa inuu abaabulaa diiwaangelinta oo uu garabsiiyaa Komishanka, waa inuu dadka taageersan yidhaa is-diiwaangeliya oo doorashada loo diyaargaroobaa, xisbiga intaa fulinayaa wuu ku ammaananyahay, xisbigase ka maqnaa isagay jirtaa.”

Geesta Kale Murashax Biixi ayaa si Kooban uga hadlay Khilaaf la sheegay inuu isaga iyo Ku Xigeenkiisa Madaxweyne ku Xigeen C.raxmaan Saylici uu ka dhex qarxay.

Comments are closed