Maxaa ka Jira in Ganacsato isku degaan ah lagu beegsaday Dabkii Suuqii Wajaale
Hargeysa September 17, 2023 (QJ) – Dabkii dhawaan burburiyay qeybo ka mid ah suuqa Wajaale ee dhaca xadka Somaliland iyo Itoobiya ayaa waxa ka soo baxaya war naxdin leh balse la filaayay.
Sida ay noogu soo warameen qaar ka mid ah ganacsatada xoolahoodu ku shuf beeleen dabkii dhawaan qabsaday suuqa Wajaale, dabka ayaa burburiyay hantida ganacsato ka soo jeeda degaano gaar ah.
Meheradaha la beegsaday ayaa la xaqiijiyay in ay gebi ahaanba lahaayeen ganacsato ka soo jeeda Koonfurta Hargeysa.
Dabka ayaa la sheegay in si gaar ah loola beegsaday Hantidii ganacsatadaa u tiilay qeybta keydka ee suuqa Wajaale.
Sida ay ilo wareedyadu noo xaqiijiyeen beesha degaanka Gebiley ayaa ay uga gubteen goobo ganacsi oo faro ku tiris ah.
Ganacsatda hantidoodii lagubay ayaa suuqa meheradaha ku lahaa ilaa iyo xiligii gumeystihii Ingriisku dhulka joogay sida ay eheladoodu noo sheegeen.
Dadka qaar ayaa qaba in beegsagani uu ahaa mid toos ah oo siyaasadeed isla markaana horudhac u ah guluf iyo saansaan colaadeed oo ku soo wejahan degaanka la bartilmaansanayo.
Si kastaba ha ahaatee Somaliland ayaa haatan gashay xaalad kala guur ah oo soo dedejin kareysaa burbur iyo kala gurasho.