MAXAA KA DHEXEEYA DHAQANKA AADAMAHA, SIYAASADDA, SIYAASIGA, IYO HOGAAMINTA SHACABKA?
Hordhac
Aragtida qoraal kani waa mid kulansiinaya arkaanta is-xukunka bulsho dawlad hoos joog ah, oo u dhaqan si gaar ah, u baahan barnaamij siyaasaddeed cajabiya oo lagu hogaamiyo iyo ciddii geeddigaa dheer hor kici lahayd. Waa aragti ka duuleysa bulsho dhulka ku dhacday oo jugtii burburka ka soo kabatey, inkasta oo aanney wali doogsan. Waa ummad u baahan kaalmo iyo gacan qabasho daadihinneed oo nin lihi u damqanayo. Waxa ay ku jirtaa miyir doorsoon aan amminta iyo kobta ay taallo midna ku keenin, waxaaney dheefsatey quud liita oo siyaasi aan waayo arag ahayni dusha kaga keenay. Waxay u baahan tahay hiil aan ku dhisneyn caadifad iyo laab la kac, se ku qotama fikir siyaasaddeed toolmoon oo aan siyaasi hanti raadis ah dareenkiisa ku iman.
Nasiib darro se, ummaddan jilicsani ma aysan helin wali ciddii wax ka tari lahayd baahiyaha taagan ee darruuriyaadka u badan. Ma na aysan helin ciddii ka soo doogsiin lahayd nabarro hore u gaadhey oo collaad iyo riiq dagaal badi ku yimi, wallow mandaqadda ay ku dhaqan yihiin na sameysanka baahiyahaa wax badan ku lahayd, haddana ku leedahay. Cidda hiilkaa bixin kartaa ee ummadda ugu adeegi lahayd garasho iyo foggaan arag gayeysiiya xaalad ay nolosha iyo duruufaha adag kaga gaashaaman lahaayeen hore marbay u heleen laakiin wakhtiga iyo duruufaha noolaha ayaa kala kaxeeyey. Nasiib wanaag se waxa aan aaminsannahay in Somaliland ay haysato fursad dahabi ah oo ay kaga faa’iidaysato baahiyaheeda waaweyn xili kala guur adduunyaddu ku jirto.
Wixii hore fursad loo dayacay ma ay libdhin wali ee waa ay taagan yihiin, waxa kaliya oo ay u baahan yihiin dajinta siyaasad quman oo ka timi siyaasiyiin ay dabada ka riixayso dal iyo dad jacayl joogta ahi, isla markaana dareensan halka wax ka qaldan yihiin iyo sida xal looga gaadhi karo. Waxa kale oo aan aaminsanahay in siyaasigaasi maanta dalka joogo, waxa se ay marwalba ku xidhan tahay shacabka baahan oo faham iyo dhug wanaagsan u yeesha siyaasiyiinta ay ku badbaadi karaan, dhibta haysatana kaga bixi karaan iyaga oo aan eegin cid uu yahay iyo deegaan uu ka soo jeedo intaba. Qoraalkan kooban waxa aan kaga hadli doonaa waxa sida dhabta ah uga dhexeeya siyaasadda, siyaasiga, dhaqanka aadamaha iyo hogaaminta oo haddii siyaasiga Somaliland fahmo keeni karta in laga badbaado siyaasaddaha qalooca ee darjiidhka ah. Kuwaas oo inta badan waxa dabada ka wadaa yihiin hunguri hoose iyo waxaan dhadhamo dhuuni maalin qaad ah dhaafsiisneyn. Qoraal siyaasaddeedkani waxa uu u khaas yahay siyaasiyiinta Somaliland, si uu wax badan uga fahmo nidaamka is xukunka dawliga ah.
Dhaqanka Aadamaha
Sida Alle u abuuray aadamaha ayaan suuro-gal ka dhigayn in ay kali kali u noollaadaan, sida caadiga ah arintan waxa ay kala mid yihiin xayawaanka intiisa badan. Is kooxaysiga iyo wada noollaanshiyuhu waxa uu laga ma maarmaan ka dhigay in is-xukun iyo kala dambeyn la helo. Si ka jilicdasan ee itaalka yar ama laxaadka la, iyo ka xooga weyni u wada noollaan karaan oo ay u sinnaan karaan caddaalad na ugu wada joogi karaan. Iyaga oo qaybsanaya khayraadka dabiiciga ah iyo ka maalka muruqooda ku yimi labadaba. Si taa loo helo waa in ay ku heshiiyaan cid u kala xaqsoorta, si taasi ay u suuro-gashana waa in ciddaa gacanta loo galiyo awoodda iyo hadba hanti waxa la haysto (dawlad dadkeeda u hiilisa). Haddana dhamaan aadamuhu si kasta oo ay u kala xoog weyn yihiin oo u kala hayn iyo itaal roon yihiin waxa ay ka siman yihiin laba ammuurood oo nafsiyan ku abuuran, waana kuwa kan hoos ku qoran.
Damaca
Ammuuratani waa astaanta koowaad ee aadamaha, waana mid aaney sinaba uga baaqsan karin oo abuurtu keenayso. Cidda fursad u hesha wax wal oo ay damac ku qaadan karto waa ay sameyneysaa, nin wanaagsan iyo nin xun labadaba. Waxa aad in badan maqasheen hebal ama heblaayo waxaa ka ma aan fileyn, waa nacasnimo in aad ka fili waydo waayo waa aadame damacu noloshiisa yahay. Waxa aan sida tan u leeyahay dhamaan noollaha Illaahay abuuray, waxa ugu dhib badan Ibnu Aadamka. Inta uu iska dilo ama is wax-yeeleeyo noollaha kala isma yeelo, deegaankiisa iyo hoyga uu ku abuuran yahay inta uu yeelo noolle kala ma yeelo, sida noollaha kale iskugu hogaansamo Ibnu Aadam diid in aayar mid ka mid ahi hogaamiyo. Dhan wal oo laga istaago aadamuhu waa uu kakan yahay oo uu yahay lama maleeyaan. Wax wal oo khasaaro keeni karaa ayaa ka suuro-gali karo aadame. Inkasta oo aadamuhu sidaa ku sifaysan yahay haddana waxa aan la inkiri karin in uu wanaag iyo xumaan isugu jiro (nice and nasty). Waxa u wanaag ah in uu caqli iyo garasho fog leeyahay, isla markaana af iyo isfaham ka dhex jiro.
Halka xumaanta ugu wayni tahay damac aan qiyaas lahayn oo wax badso ah, isla markaana wax walba ku kharibi karo, isagu isku gumaadi karo, bee’adda uu ku nool yahay na ku baabi’in karo. Damac indho ma leh dhago ma leh xuduntiisu tahay, oo aan xishood dabri karin, laakiin baqaha oo kali ahi xakame u yahay. Halka hoose ayaan ku sharaxi doonaa nooca baqaha aadamaha iyo sida ugu haboon ee siyaasigu siyaasad ugu hogaamin karo shacab ka oo ah aadamaha kakan oo ishii qaataha ah. Waxa se qoraal siyaasaddeedkan aan si fiican ugu lafa guri doonaa waxa ka dhexeeya siyaasad, siyaasi, dhaqan iyo hogaaminta Somaliland oo aan u mari doono fahamka jidka aadamaha oo mudan in la xuso si wax badan looga fahmo sida ay u adag tahay in dawladnimo la ogolaysiiyo aadame xumaan iyo wanaag ka kooban.
Kaas oo wanaagiisu yahay garasho iyo faham, xumaantiisu na tahay damac. Waana isla garashada iyo fahamka aadamuhu leeyahay oo ah wanaaga kaliya ee uu leeyahay oo haddana u suuro-galin kara una adeegi kara xumaantiisa oo damaca ah. Haddii aan halkaa sii iftiimiyo, caqliga iyo garashada aadamuhu waxa ay 99% ka fikirtaa in uu baahiyihiisa dhameystiro, si uu baahidaa u daboolo waa in uu helo awood uu wax ku dhacsan karo marka uu faro madhan yahay, halka haddii uu wax haystana uu ka rabo awood uu wax isaga dhicin karo, si uu ugu ilaashado waxa uu haysto si aan cid kale uga dhicin. Waa kaa Ibnu Aadamka la rabo in uu is xukumo oo uu kala badbaado, waxa uu haystana qaybsado, noloshiisa ku dhiso caddaalad iyo sinnaan aan inaba eex iyo wax badsasho ka dhawrsan tahay. Waxa kaliya ee aadamaha noocaa ah lagu xukumi karo waxa la yidhaa SIYAASAD.
Baqdinta
Ammuurtan labaad waa baqdinta dhimashada oo ka dhigta aadamaha wax aad u jilicsan. Waana halka ay ka siman yihiin ee aaney ku kala sareyn oo ay dhamaan uga baqaan dhimashada, taas oo marka dambe ku kalifta in ay u hogaansamaan wax wal oo ka xoog weyn oo dhimasho ku keeni kara. Nin adag iyo nin jilicsan, nin maal leh iyo mid fiqiir ah, nin caqli badan iyo nin garaad hooseeya intuba waxa ay isaga mid yihiin baqdinta dhimashada. Waxa suuro-gal ah in ay maskaxdaada ku soo dhacdo in aan dhimashada oo kaliya aadamuhu ka baqan, ee ay jiraan wax yaabo kale oo badan oo ay ka baqaan. Laakiin se dhimashadu waa khatarta ugu weyn ee uu aadamuhu wajihi karo, waxa ugu weyn ee ay is yeelaan kuna kala xoog roon yihiin waa isku baqo galinta dhimashada. Tusaale ahaan dalka Maraykan waxa adduunyadda inteeda kale uga baqataa ma aha wax kale, waa awoodda iyo cududda ciidan iyo dhaqaale ee uu cid kale ku gaadhsiin karo dhimasho. Waxa cadeyn inoogu filan dilalkii loo gaystey Hogaamiyayaashii Ciraaq iyo Liibiya (Saddam Hussein iyo Muammar Gaddafi). Waana ta waddamo badani ka dhigtey siyaasaddooda ku wajahan Reer Galbeed ‘’Isha Cali ka Laadlaadda’’.
Baqdinta dhimashada kaliya ayaa keentay in Maraykan iyo Reer Galbeed guud ahaan adduunyadda inteeda kale ku waafaqdo damacooda xad-dhaafka ah ee kalifay in ay noqdaan kuwa kaliya ee dunnida u yeedhiya waxa ay rabaan una sheega sida ay u rabaan. Waxa sidoo kale baqdintaa ay ku xukumaan dadkooda oo ay u tusaan in ay ka difaacayaan khatar ku soo fool leh sida argagaxiso iyo shirqool diimeed oo ka dhan ah. Waxa ay geystaan weeraro inta badan lagu gumaadayo dad aad u liita, sababtoo ah fahamka iyo garaadka oo ah wanaaga kaliya ee aadamuhu leeyahay ayaa keenaya damaca joogtada ah ee aan dhamaaneyn. Tusaalahan waxa kaliya ee aan u soo qaatey in uu faham guud innaga siiyo damaca iyo baqdinta oo ah labada sifo ee uu aadamuhu ku kaliyeystey, inkasta oo noolle badani la qabo baqdinta, halka aaney jirin damaca aadamaha noolle kale oo leh mid ah. Waxa hubaal ah in damaca aadamaha kaliya lagu joojin karo baqaha oo kaliya oo aan marwalba xukun dhimasho ahayn.
Aragtida siyaasiga ah ee uu qoraalkani daaran yahay na waxa kaliya oo ay ka hadleysaa habka damaca adduunyo ee aan xadka lahayn iyo baqdinta joogtada ah ee aadamaha dawladnimo loogu soo dabaali lahaa, iyada oo la adeegsanayo siyaasad. Macnaha ugu weyn ee siyaasaddi tahay na waa in damaca iyo baqdinta aadamaha lagu maareeyo dawladnimo. Tusaale ahaan, damaca aadamahu waa in uu wax wal oo wanaagsan isagu helo, iyada oo la is garbinayo oo sida loo kala xoog weyn yahay wax loo kala badsanayo, la isku dulaynayo oo ka jilicdasani yahay dhibanaha joogtada ah. Damacaa aadamaha oo jira waxa garab socda baqdinta dhimashada oo dhamaan saameysa aadamaha. Baqdintani waxa ay suuro-galineysaa in dawlad la wada leeyahay la sameysto si dhibta looga baxo oo aan cidna cid kale u wax yeelayn, waana sida dawladnimada adduunyada ka jirtaa ay ku sameysantay. Somaliland dadkeedu baqdintaa darteed ayey dawladnimo ku sameysteen 1991 si ay u kala badbaadaan iyaga oo adeegsanaya habkii dhaqan ee ay u yaaleen oo ahaa qabaa’il wada yaal.
Arintani waxa ay aad ugu hiilineysay shacabka masaakiinta ah, madaxda iyo ninkii qoriga sitey ee wax dhacayey intaba. Sababtoo ah dhamaantood waxa ay ka baqayeen dhimosho sida aadamaha kale ee la mid ahi uga baqay ee uu damaciisii uga tanaasuley isaga oo ka baqaya dhimasho. Taas ayaana keentay in aadamaha Reer Somaliland nin adag iyo nin jilicsan labadaba baqdintu ay ka tanaasuliso damacii uu lahaa ee ahaa in uu wax badsado ama ninba ninka kale ee uu ka itaal roon yahay boobo. Waana sababta keentay in damaca iyo baqdintu kala xoog roonaadaan, waana halka damaca iyo baquhu aaney meel u wada gali karin. Aakhirkiina ogoleysiisay nin xoog leh iyo ku itaal daranba in ay damaca ku doorsadaan kaliya wax ay ku noolaadaan, meel ay seexdaan, helista caafimaad wanaagsan, waxbarasho iyaga iyo ubadkoodu helaan iyo adeeg bulsho oo jawi nabad ah ku saleysan. Waana sidaa sida ay dawladnimada ku oggolaadeen ee ay Madaxweyne iyo dawladdii ama qaranimo ba ugu hogaansan yihiin. Wallow aaney baahiyahaa aan xusay dawladnimada 25 jirstey aaney badi ka helin siyaasadda oo ka qaldan siyaasiyiinta awgeed.
Su’aasha weyni se waxa ay tahay sidee dawladnimadu ugu adeegi kartaa shacabkaa (aadamaha) is dhiibay? Waa halkaa halka maanta mawduucaygan siyaasiga ahi ka duulayaa. aadamaha reer Somaliland waxa ay dawladnimo isku dhiibeen oo damacoodii reer reerka ahaa uga tanaasuleen baqdinta ah in ay dhintaan oo ay le’daan ama is baabi’iyaan, qofka sida uu u fahmayo. Iyaga oo siistay damacii aadamaha ee ahaa wax badso oo ka kaa jilicsan jiidh adna ha lagu jiidho marka fursad lagaa helo eh. Waayo waxa aynu ognahay in aadamuhu si kasta oo uu u kala xoog weyn yahay, haddana ka ugu xooga yari awooddi karo in uu dhimasho geysto. Waxaaney ogaadeen in haddii dawladnimo la isku dhiibi waayo in la is cunni oo la is baabi’in sida ka dhacda dadyow badan oo adduunka ku nool oo aan wali isku dhiibin nidaamka dawliga ah.
Waxa kale oo uu is baabi’inta keeni kara haddii dawladnimadii ay isku dhiibeen waxba ku soo celin kariwaydo, dabeetana ay ka maarsan waayaan in ay gacmaha isku la tagaan oo nin walba hungurigiisa qori caaradii ku soo dhacsado. Dawladnimadu waxa ay aadame ugu talo galeen oo ay ugu filan tahay laba ammuurood kaliya: b) In baqdinta ah in ay is dilaan oo is dhacaan ama is dulmaan meesha ka saarto, t) in damicii aadame ee ciddii xoog weyni qaadan lahayd, halka kii itaalka yaraa na aanu quusteen ee uu ka daba iman lahaa aakhirka, si uu xeelad iyo gaadmo mid uun wax ugu yeelo loo qaybsado si loo kala nabad helo oo aan la isku burburin. Oggow in damacu yahay ka keenaya dhimashada, waxa kaliya oo isaga na lagu yareyn karaa waa in xoogga iyo awoodda, dhaqaalaha, caqliga iyo fikirka aadamaha la isugu geeyo meel. Meeshaa magaceeda waxa la yidhaa dawlad, waxa na loogu talo galey in lagu kala badbaado, si loo kala badbaado waa in la adeegsadaa siyaasad loo dhiibay siyaasi xeel dheer oo caqli badan, isna u keenaa hoogamin fiican oo lagu raysto. Haddii intaa la waayo waxa dib loogu noqonayaa xaggii laga yimi oo ah meel damacu shaqeeyo dhimashadu na ku badan tahay oo la is cunnayo, waa dawlad la’aanta eh.
Siyaasadda Is-Xukunka
Siyaasaddu nolosha aadamaha ayey la socotaa oo ay ka mid tahay. Waayo aadamuhu damaca ah in uu wax helo waa in uu sifo siyaasaddeed u maraa oo xeelad iyo farsmo ku jirto. Baqaha dhimashada na waa in uu sifo siyaasaddeed u maraa si uu xeelad iyo farsmo ugu baajin karo inta itaalkiisa ah. Mar haddii ay dhimasho tahay wax aan aadame ka takhalusi karin oo aan laga baxsan karin, haddana aadamuhu si wal oo uu naftiisa ula tacaali karo waa uu sameeyaa. Inkasta oo la is waydiin karo sababta keenta in maanta is-dilka shakhsiga ahi dunnida ku batey sida xagjirnimada (is-qarxinta), is dabista, is gubista ama in si uun qof naftiisa badheedh u galaafto. Waxa se taa lagu soo gunaanadey in ay tahay arrin dhinaca caafimaadka maskaxda khusaysa oo qofku rajo beel maskixiyan ah naftiisa qudh-gooyo ugu sameeyo. Baqdinta dhimashadu waa ta aadamaha ku keentay in uu xeer iyo sharci ku miciinsado, si aanu isku baabi’in tafiir ahaan, waxa na taa keenaya garashada iyo garaadka Alle ku galadey. Sida kaliya ee uu taa ku hirgalin karaa waa in uu ka tanaasulo damaciisa waalan ee keenaya in uu is galaafto.
Si loo helo xal waa ta keentay in siyaasadda aadamaha noloshiisa la socotaa ay keentay fikirka ah in hab-maamul oo lagu heshiis yahay la sameysto, sida boqortooyo ama dawlad jamhuuri ah. Waxa dawladnimada lagu sameeyey waa is aamin iyo wax wada yeelasho, qof-wal ama koox waliba uga tanaasusho damaceeda saa’idka ah, si nabad-galyo loo kala helo. Damaca maal raadiska ahna si quman loogu qaybsado. Dawladnimadu waxa ay u baahatey in awood oo dhan gacanta loo soo galiyo si ay itaal ugu yeelato in ay maareyso baahida aadamaha ee xiligaa jirta. Haddiise ay taa ku guul dareysato waxa dib u imanaya in heshiiskii qaybta wax weydey ay ka baxdo oo dagaal is badbaadin ah kala hor timaado. Arrintani waa ta dawladdaha burburka iyo baaba’a ku keenta, waa na sida aynu maanta u aragno dadyow badan oo adduunka korkiisa ku lee’anaya, wax kale na ma aha eh, waa wixii ay ku heshiiyeen oo ka xumaaday oo ciddii ay awoodda u dhiibteen (dawladda) ay wax u hagaajin kari waydey.
Haddaba si ay dawladdu wax walba u wanaajiso waxa haboon in laba sifo dadka ay ku xukunto. Labadan sifo ee dawladnimada loo adeegsado si ay kaamil wax ugu xukunto, iyada oo shacabka kala raali ahaanshiyihiisu ku jiro waxa aan ku sifeeyey laba nooc:-
- Baqaha cadaadiska jasmiga (Physical Coercion). Dawladi waa in ay yeelato ciidan adag oo ay wax ku xukumi karto, dalka na kaga difaaci karto labada cadow (shisheeye iyo sokeeye). Ciidankani waa mid kaliya loogu talo galey in lagu ilaaliyo nabadda iyo ammaanka hantida ummadda oo ta dawliga ah iyo ta rayid ka ahi ba ku jirto. Haddii se la is yidhaa ciidan kaliya wax ku xukun waa mid aan suuro-gal ahayn, waxa ay arintani si dhib yar u abuuri kartaa kacdoon aan qiyaas lahayn iyo in uu mideeyo cid wal oo dan wadaag ah. Dawladdo badan ayaa isku dayey oo adduunka ah, dhamaantood na waa ay dumeen oo ay eedeen siyaasadda hogaaminta ee lagu abuuro kaliya cadaadiska jasmiga. Sameynta ciidanka oo ka turjumaysa ilaalinta amniga guud waa in ay garab socotaa sameynta kaabayaasha dhaqaalaha iyo hir-gelinta adeegga bulshada.
- Baqaha cadaadis ruuxda (Psychological Coercion), arintani waa siyaasadda sameynta shuruucda dalka, sida dastuurka iyo xeerarka hay’addaha caddaaladda. Ummad waliba waxa ay leedahay dhaqan iyo aaminaad diineed oo u gaar ah, iyada oo arintaa laga duulaya waa in dawladdu adeegsataa shuruuc ruuxi ah oo kala sheegaya qaladka iyo saxa. Isla markaana lagu mutaysanayo ciqaab, waa haddii wax qaldan uu ku dhaqmo shakhsi wal oo ka mid ah muwaadiniinta dalkaasi leeyahay, kaalinta uu doono bulshada ha kaga jiro eh (fiqiir ama taajir). Waxa kale oo mihiim ah in la sameeyo shuruuc kale oo gaar u ah dadka aan muwaadiniinta ahayn ee dalka ku dhaqan amaba markaa soo galaya. Sameynta shuruucdani waa in aaney kaliya ku oolin xaashiyaha eh, waa in ay yihiin kuwa lagu dhaqmo oo si siman u qabta dhamaan shacabka degmadaa (dal) ku wada nool.
Siyaasiga
Weedha Siyaasi iyo mawduuca siyaasad waxa laga yaabaa in dadka qaar isku si ula muuqdaan. Waxa se hubaal ah in ay aad u kala gadisan yihiin labadu, ka hore oo ah mawduuc aad u balaadhan (siyaasad) waa cilmiga ugu baaxadda weyn ee aadamuhu isku xukumo dhinaca dawladnimada si ay u kala badbaadaan, khayraadka u qaybsadaan, cadawga isaga difaacaan, cudurada iskaga ilaaliyaan, isla markaana horumar ku hiigsadaan. Iyaga oo ka baaqsanaya in siyaasad xumadu dhaxal siiso, collaado, faqri, gumeysi cid kale iyo dib u dhac keena masiibooyin aaney ka hanaqaadi karin.
Halka uu siyaasi ka yahay eray loo isticmaalo qof ama dadyow u xilsaaran meel marinta barnaamij siyaasi ah oo dal leeyahay. Siyaasigu waxa uu wax ka sameeyaa siyaasadda dal lagu hago, isaga oo adeegsanaya khuburo ku takhasusta Cilmiga Siyaasadda. Waxa uu la yimaadaa qorshe cad oo siyaasi ah, waxa na uu leeyahay aragti ka fog ta dadka caadiga ah. Waa qof raba in uu laba shay mid uun ka tago; tusaale ahaan sameyn nabad-gelyo tiir adag oo aan cidna dhaqaajin karin dibad iyo gude toona. Taas oo ku dhisan dawlad laga raali yahay oo loo dhan yahay iyo dhaqaale fiican oo ummaddiisu dheefsato, isla markaana gayeysiisa ummaddiisa horumar baaxad leh. Nasiib darro se, siyaasiga xukunka haya ee Somaliland ee maantu ma laha sifadaa, inkasta oo ay jiraan dad leh kartidii iyo aqoontii dawladnimo oo dhuunta ku soo jira (pipeline).
Dawladnimo waxa horumar iyo nidaam wanaagsan ku soo kordhin kara hogaan awooddu gacanta ugu jirto oo gartey waxa qaldan. In la saxana diyaar u ah oo adeegsada dadkii aqoonta u lahaa wixii qaldanaa. Waayo nidaamkeena dawladnimo waa hab Madaxtooyo (Presidential System). Awoodda dalka ee dhinaca fulinta waxa uu gacanta ugu jiraa 100% Madaxweynaha. Haddii gaadhi bilaa taayiro ah aad saaran tahay ma in aad wadaha ku canaanato sababta uu u dhaqaajin waayey baa? Mise waa in wadaha iyo rakaabku ba isla fahmo in marka hore gaadhigani taayiro lagu xidho?
Waduhu waa Madaxweynihii, gaadhigu na waa dawladdii oo dhameystiran iyo golayaasheedii qaranka, halka rakaabku ka yahay shacabkii. Sidaa darteed waxaan u baahan nahay Shacab iyo Madaxweyne isla gartey in wax qaldan yihiin oo uu gaadhigu (governing system) taayiro la’ yahay.
Hogaaminta Shacabka
Sida kaliya ee lagu tahli karo in shacabka oo ah aadamaha aynu kor kaga soo sheekayney lagu hogaamiyo dawladnimo, waa iyada oo wixii lagu heshiiyey la ilaaliyo. Sida loo ilaalinayo waxa lagu heshiiyey waa in marka hore la fahmaa maxaa lagu heshiiyey? Tusaale ahaan shacabka deggan Somaliland waxa ay heshiisyo Axdi Qarameed iyo Dastuur ku xusan sameysteen shirarkii nabadda ee ay ku gaadheen magaalooyinka Berbera, Sheekh, Burco, Borama iyo Hargeysa sannadihii 1991-2001. Heshiisyadaa oo ah kuwo ay dawladdihii jiray gadh-wadeen ka ahaayeen ilaalintooda iyo dhawristooda, sida loo ilaalinayaana waa iyada oo la raaco saddex dariiq kuwaas oo kala ah: – Ilaalinta nabad-gelyada oo ku dhisan qaddiyadda masiiriga ah ee Somaliland oo hore loogu heshiiyey, Saamiga dawladnimo oo sed-bursiinyo ka reeban yahay iyo dadaalka horumarka dhaqaalaha oo uu garab socdo qaybsiga fursadaha khayraad dabiiciga ah, iyo ka ku yimi abuurka ama xoogga muwaadinka.
Ka dib marka waajibkaa hore ee in la dhawro waxa lagu heshiiyey na la fuliyo, waxa lagama maarmaan ah in la hindiso khariidaddii isku haynta ummadda ee mustaqbal fog, waxa na ay ka kooban tahay tiirar aas aasi ah oo la isla yaqaan. Tiirarka hogaaminta shacabku waxa la isku raacsan yahay in ay noqdaan shan tiir oo kala ah; tiirka koowaad oo noqonaya ka caddaaladda. Tiirkani waxa uu ka turjumayaa in ummad kasta oo meel ku wada nooli ay noqoto mid wax wada leh. Isla markaan si siman oo caddaalad ah wax u qaybsata. Arinta waxa ay wax badan ka tareysaa dhaqankii aadamaha ee ahaa ‘’damaca’’. Tiirka labaad waa beerista is ahaanshiyaha oo suurto-galinaya in ummaddaasi ay wadaagaan jinsiyadda qaran (national identity). Si tan loo helo waa in dawladdu sameysaa ammuurta xidhiidhka dadweynaha iyo dawladda (public Relations) oo sahlaya in farriintii dawladdu u gudubto shacabkeeda, taa cakis keeda na baahidii shacabku si toos ah u soo gaadho dawladdii ay doorteen. Arinta waxa ay wax weyn ka tartaa in ‘’baqdintii aadamaha’’ ee dabiiciga ahayd meesha ka baxdo oo la is aamino.
Tiirka saddexaad waa cusbooneysiinta iyo joogteynta siyaasadda mustaqbalka ummadda (national policy document). Arintani waxa ay wax weyn ka tartaa abuurista rajada ee dhinacyada nabadda, horumarka iyo ammaanka. Sidoo kale waxa ay wax weyn ka tartaa ‘’baqaha aadamaha’’ oo keeni kara rajo beel siyaasaddeed oo dib u soo celin kara damaca aadamaha oo ah kii keenayey in dib la isku cunno. Tiirka afraad waa in uu jiro nidaam wada shaqeyneed oo ka dhexeeya dhamaan danneeyayaasha (shacabka, hay’addaha dawladda iyo mucaaridka). Farsamadani waxa ay suurto-galineysaa in uu jiro la xisaabtan iyo dawlad wanaag oo iyana wax badan ka tareysa baqdinta iyo damaca aadamaha. Ugu dambeyn tiirka shanaad waa adeegsiga aqoonta oo looga faa’iideysanayo wanaajinta dawladnimada, dhismaha dhaqaalaha, hagaajinta ammaanka iyo nooleynta siyaasadda xidhiidhka caalamiga ah oo ah halka laga dumo ama laga tamariyo. Shantan tiir ma aha kuwo kala dambeeya oo marba mid la qabanayo, ee waa qaar wada socdo oo in ay hal mar si wadajir ah u socdaan ay lagama maarmaan tahay.
Isla helitaanka aragtiyaha kor ku xusani waxa ay keeni karaan in lagu gudbo caqabado dhawr ah oo ummadda haysta. Ka hor se inta aan la sameyn aragtida maqaalka kan ku xusan waa in marka hore la is waafajiyaa Dhaqan-Siyaasaddeedka iyo dawladnimada markaa jirta. Tusaale ahaan, afkaartani ma shaqeyn karto haddii aan la is waafajin dhaqanka ummaddi leedahay oo ka kooban hab-fikirkeeda iyo aaminsanaanta ruuxiga ah iyo waliba hab dawladdeedka markaa lagu shaqeynayo. Haddii aan tusaale u soo qaato Somaliland, waa is waafajinta dhaqanka oo ah qabaa’ilka, diinta iyo dimuqraadiyadda. Fadlan tixraac Fikir-Siyaasaddeedkan http://hargeisapress.com/?p=14478.
Guntii iyo gunnaanadkii, dhaqanka aadamuhu oo ah mid aad u kakan, isla markaana ka kooban damac iyo baqdin is huwan, waa mid aan sinaba uga maarmi karin dawladnimo. Sababta oo ah damac aan joogsi lahayn oo is muquunin iyo itaal roonaanshiyo lagu kala dheefayo iyo baqdin joogta ah oo dhimashadu asal u tahay. Waxa ay Ibnu Aadamka ku kaliftey in ay sameystaan dawlad kala ilaalisa isku na ilaalisa oo ay ku kala nabad galaan, horumar ku sameystaan wax wal oo khatar ku ah oo dibada uga imanaya na gaashaan uga noqota. Si taa loo helo oo dawladnimo loo yagleelo, waxa lagama maarmaarn noqotey in marka hore lagu heshiiyo in awooddii, dhaqaalihii, khayraadkii, caqligii iyo aqoontiiba hal meel oo masuul ka ah la isugu geeyo (social contract). Ammuurtaasi waxa ay ka dhacday Somaliland 1991 oo dhamaan beellihii wada dagayey dhulka Somaliland ay isla qaateen in hal dawlad loo dhan yahay wada yeeshaan.
Haddaba si loo dhawro is ahaanshiyaha ummadda, loo xaqiijiyo wixii lagu heshiiyey, loona wanaajiyo wixii la wada lahaa, iyada oo laga wada faa’iiddayo waa in siyaasad toolmoon oo gun dheer la dajiyaa. Taas oo laga wada raali yahay oo aan cidna u badineyn cidna ka yarayneyn xaq iyo xaquuq ay leedahay. Ammuurtan iyada ah Somaliland qayb ka mid ah ayaa u shaqeysay, waa na ta suurto-galisey in 25 sanno ka dib ay jirto Jamhuuriyaddu iyada oo calan, ciid iyo ciidan u gaar ah leh. Waxa kale oo u dhisan dhamaan hay’addihii dawliga ahaa iyo mucjisada lacag ay leedahay oo shaqeysay citiraaf la’aan muddo ka badan 20 sanno. In ay timaado siyaasad noocan ahi oo dalka lagu hor mariyo oo dadka inta badani aaminsan yihiin in ay adag tahay, anigu waxa aan aaminsan nahay in ay tahay waxa ugu dhibta yar ee suurto-gali kara. Sababtu na waa, Somaliland waa dal Madaxtooyaddu awoodda fulinta haysato 100%. Haddii la helo Madaxweyne adag oo gartey waxa ka qaldan dalka, isla markaana u diyaar ah in uu wax hagaajiyo isaga oo adeegsanaya taariikh siyaasi ah iyo aqoonyahanka dalka, waxa hubaal ah in wax badan la hagaajin karo.
Sidaa darteed, aniga oo ka jawaabaya waxa ka dhexeeya dhaqanka aadamaha, siyaasadda, siyaasiga iyo hogaaminta shacabku, waa aragtida kor ku xusan oo si fiican la isku la helo. Taas oo ah keenista siyaasad cad oo ka faa’iideysata dhaqanka aadamaha ee ku dhisan damaca iyo baqdinta. Waxa intaa dheer xulista siyaasi diyaarsan oo fahamsan dalka uu shaqada ka qabanayo. Nasiib wanaag Somaliland waxa ay halka kan uga baahan tahay hal qof oo Madaxweyne u noqda oo si fiican u baraarugsan. Waayo meesha kaliya ee wax laga sixi kor waa Madaxtooyada oo la fadhiisiyo iyada oo loo dooranayo ciddii ku habooneyd oo aan ka madhneyn rayi adkaan, go’aan qaadasho, dhiiranaan iyo ku dhac aan habrasho lahayn. Arintan waxa cadeyn ugu filan Alle ha u Naxariistee Madaxweyne Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal oo kursiga loo doortey iyada oo aaney wax badani jirin.
Nasiib wanaag se ka tagey haykal dawladdeed dhameystiran oo u shaqeynaya si is xisaabin ah. Kaas oo ku dhisan ciidan, lacag, dastuur, nidaamka axsaabta badan ee dimuqraadiga ah iyo wax wal oo kale oo dawlad looga baahnaa. Waxa se nasiib daro ah in wax badan oo ka dhib yar oo la qaban karayey la hagradey ama la garan kari waayey. Haddana intii isaga laga dhaxley ay khatar ku jirto. Haddii se maanta la helo hogaan intaa garan kara waxa hubaal ah in ay fududaaneyso in qaranimmo adag oo aan liicayn dib loo yagleeli karo. Iyada oo la adeegsanayo is wafajinta dawladnimada iyo dhaqan-siyaasaddeedka ummadda, intaa wixii ka dambeeyana la isku beego waxa ka dhexeeya dhaqanka aadamaha, siyaasadda, siyaasiga iyo hogaaminta shacabka oo ah inta kor ku xusan.
Mohamed Hagi Mohamoud. Department of Politics and International Studies. The University of Warwick. Email:m.hagi-mohamoud@warwick.ac.uk, mohamedomar1@hotmail.com.