|

MAXAA HORTAAGAN IN AY SI RASMI AH U HOOSTAGTO HAY’ADA XIDHIIDHKA MUCAAWINOOYINKA WFP WASIIRKA DIB U DAJINTA?

Hargeysa Mar 09,2013(SDN)-Mudo imika laga joogo bil iyo badh ayaa digreeto madaxwayne lagu hoos geeyay wasaarada dib u dajinta xafiiska xidhiidhka mucaawinooyinka WFP ee dawlada Somaliland.

Hadaba si aanu waxa ooga ogaano sababaha hortaagan in ay toos u hoos tagto wasaarada dib u dajinta  haayadani aan arrimaha loo sababayno hoos tagid la’aanta mid mid u eegno:

Xafiiskan waxa digreeto madaxwayne lagu hoos geeyay wasaarada dib u dajinta mudo laga joogo bil iyo badh,isagoo laga dhigay waax ka tirsan wasaarada dib u dajinta.

Arrimaha hoos ku qoran awadeed  xafiiskani lama shaqeeyo mana hoos tago wasaarada dib u dajinta:

  1. Markii madaxwaynuhu magacaabayay maareeyaha xafiiskan,lagalama tashan  lalamana socodsiin wasiirka wasaaradan ,Dr. Salaeebaan Xaglatoosiye,iyadoo hadana la yidhi waxa laga dhigay waax ka tirsan wasaaradaada.
  2. Sida loo dhigay digreetada oo ah tabcayn badheedh ah,marka la leeyaha waxa laga dhigay xafiiska waax ka tirsan wasaarada dib u dajinta,maareeyaheeduna waxa uu ku magacaaban yahay digreeto madaxwayne. Tani waxa ay muujinaysaa sida aanay madaxtooyadu uga raali ahayn in xafiiskani gabi ahaantiiba faraheeda ka baxo iyo in aanay wasiirada beesha dhexe ee madaxwaynaha ka agdhawi  aanay daacad uga ahayn soo dhawaynta siyaasiyiinta ka soo jeeda deegaanada Buuhoodle iyo Sool.
  3. Waxa mad madow la galiyay cida uu amarka ka qaadanayo maareeyaha xafiiskani , cida uu warbixinta siinayo,cida uu kala tashanayo qorshayaasha xafiiska,cida u gudbinaysa haayada WFP mashaariicda  Food for work,ka dib markii boga la isugu galiyay laba digreeto oo isburinaya (Conflicting presidential decrees) oo looga danleeyaha in aanu wasiirka dib u dajintu marna u madax banaanaan maamulka mucaawinooyinka WFP.
  4. Waxa lagu soo kordhiyay xafiiskan maareeye ku xigeen sheeganaya in lagu soo magacaabay digreeto madaxwayne,balse marar dhawr ah oo ay waydiiyeen xafiisyada dawladu  warqadii lagu magacaabay ku guuldarastay in uu keeno,warar xog xogaala ah oo u dhuun daloola xafiiskan ayaa sheegaya in ku xigeenka laga soo raaciyay maareeyaha xafiiska wasaarada madaxtooyada,iyadoo wararku intaa ku darayaan in ku xigeenkan  aabihiii (Sh. Cabdilahi Sh.Cali Jawhar) ay isku fiican yihiin wasiirka wasaarada madaxtooyada.

,iyadoo marar badan Sheikhu wasiirka madaxtooyada ka difaacay cabashooyinka Madaxwayne ku xigeenku ka tirsanayo wasiirka madaxtooyada,wasiirkuna sheikh booskan ugu abaal guday. Dhinaca kale hadii uu ku magacaabnaan lahaa digreeto madaxwayne,waxa lagu shaacin lahaa warbaahinta dawlada sida ku xigeenada kaleba loo shaaciyo.

Hadaba si loo socodsiiyo ku xigeenka ayaa lagala meermeerayaa hoos taga wasaarada dib u dajinta.

  1. Mudadaa bil iyo badhka ahayd wax xidhiidh wada shaqayn ahi ma dhex marin wasiirka wasaarada dib u dajinta iyo maareyaha xafiiskan,iyadoo warqad uu wasiirku u qoray maareyaha xafiiskan kuna amrayo in uu xafiiska u soo raro wasaarada dib u dajinta,uu si cad u diiday maareeyaha xafiiskani,kana bilaabay dacwad ka dhan ah wasiirkan qasriga madaxtooyada isagoo kaashanaya wasiirka madaxtooyada oo ay xidhiidh dhow lahaayeen,sababna u ahaa magacaabistiisii.
  2. Arrinkan waxa ay ku micneeyeen dad badan oo reer Sool iyo Buhoodla ahi in ay ku tahay bahdilaad badheedh ah Dr.Saleebaan xaglatoosiye oo ay ku tilmaameen in lagula dhaqmayo siyaasad ah “QOWDA MAQASHII OO WAXBA HA U QABAN”.
  3. Waxa la filayay in la mideeyo barnaamijyada wasaarada iyo haayadan (integration of activities,operations and strategies),oo ay ugu yar tahay in xaafiska mucaawinooyinka WFP qaato sumada wasaarada dib u dajinta (MRRR Letter head ),isticmaalana shaanbada dib u dajinta (MRRR stamp),mashruuc wal oo baxayana uu saxeexo wasiirku ,balse maareeyaha xafiiskani waxa uu isaga wataa hawlihiisa sida hay’ad madaxbanaan.

waxana uu warbixinta siiyaa wasiirka madaxtooyada,kalana tashadaa arrimaha xafiiska soo waajaha.

  1. Sababaha kale ee uu wasiika madaxtooyadu uga hadhi laayahay xafiiska mucaawinooyinka WFP ayaa ilo u dhuun daloola xafiiskani ku micneeyeen in ay laba arrimood yihiin oo kala ah:

Isu duwaha gobalada bari ee xafiiskan;Mustafe Faarax Qalab oo ah nin ay ooriyaya walaal yihiin wasiirka madaxtooyada,jifo hoosena isku yihiin dhinaca Qabiilka ,oo marka horaba loo geeyay xafiiskan si uu u manaafacsado mashaariicda WFP,talada iyo jaangoyanta mashaariicda iyo qorshayaasha xafiiskana loogu talo galay in uu talo mug leh ku yeesho.

Isu duwahan oo ah nin aan waxba qorin,waxna akhriyin ayaa ah nin af ku leeb ah oo geed dheer iyo mid gaabanba u fuulay sidii uu u leexsan lahaa mashaariicda WFP.

Waxa xusid mudan in isaga dartii loo badalay labadii maareeye ee xafiiskan hore u soo maray. Maareeyihii u horeeyay ee xafiiskan,Mudane Ahmed Hasan waxa lagu badalay ka dib markii u tahli kari waayay awood sheegashada wiilkan ay wasiirka ay ooriya walaalka yihiin iyo baada faraha badan ee uu hadh iyo habeen waydiin jiray. Ka dib wiilkani waxa uu ka dhaadhiciyay wasiirka duulista iyo ka madaxtooyada isagoo kaashanaya dumarka walaalaha ah ee ay wasiirka kala qabaan iyo odayaal ka soo jeeda beesha Ahmed Farah ee H/jeclo in Maareeye Ahmed Hasan uu siiyo mashaariicda beesha H/yonis oo qudha. Sidii baa lagula qaatay laguna badalay Maareeye Ahmed Hasan.

Sidii si la mid ah ayuu olale ku qaaday Maareeyihii badalay Ahmed hasan,Mudane Maxamed Dahir isagoo adeegsanaya wasiiradii uu hore u adeegsaday iyo dadkii kale kuna andacoonaya Maxamed Daahir ilama tashado,mashaariic ima siiyo,iimana ogala in aan laaluush ka qaato dadka mashaariicda soo doonta,sidaa darteed ha la iga badalo.

Sidii si la mid ah ayaa loo maqlay inankii ay wasiirka ooriya walaalka ahaayeen,loona badalay.

Si loo naasnuujiyo inankaasi, waxaanu  wasiirku soo xulay nimay Hindiya  wax ku wada baran jireen ,aadna loogu dardaaray in uu si gaar ah talada inanka uga qaato una naasnuujiyo. Si dardaarankani u hirgalo waxa la isku qanciyay in si uun xafiisku ugu xidhnaado madaxtooyada,waayo hadii  si buuxda loo hoos geeyo wasiirka dib u dajinta dardaaranka maareeyaha cusub la faray ma hirgalayo.

  1. Dhinaca kale,sababaha hortaagan inay toos  u hoos tagto hay’adani wasiirada dib u dajinta; waxa   ka mid ah wasiirka wasaarada beeraha oo ay xidid yihiin wasiirka madaxtooyada .  Wasiirka beerahu Faarah Geedoole waxa uu ka door biday halkuu ka dhiirigalin lahaa waxsoosaarka dalka dawarsiga qamadiga WFP,waxana tan ka markhaati ah hadalkii uu ka jeediyay guurtida usbuucii hore,kuna andacoonayay in aanay ha’yadu xidhiidh la lahayn wasaaradiisa.

Waxa xusid mudan in hay’adani laba qol ka isticmaasho wasaarada beeraha, waxaanu la degenaanshiyaha wasaaradiisa ee Hay’ada u fasirtay in ay isaga hoos timaado.

Waxa si dhab ah loo xaqiijinayaa in mar hore uu ka sheegay kulanka wasiirada in la hoos geeyo isaga hay’ada Xidhiidhka Muwaacawimooyinka WFP.

Maadaama oo uu danahan cad ka leeyahay wasiirka beeruhu xafiiskan,waxa uu wadaa qorshayaal ku xidhiidhsan qasriga madaxtooyada oo la rabo in dib looga noqdo hoos gayntii dib u dajinta, waxaana la doonayaa in Wasaaradda Beeraha la hoos geeyo Xafiiskaasi, inkasta oo aanu wali qorshahaadi midho dhalin.

Rahma sugaal,

Rahmasugaal@yahoo.com

Berbera,Somaliland

Comments are closed