Maxaa Colaada Suuriya Ka Dhigay Mid Daba dheeraataa oo Xalkeeda aan La Hayn, Qaanuunka Caalamiga ahi Muxuu ka Qabaa Adeegsiga Hubka Kimikada ah? C.laahi Moscow, Garyaqaan Guuleed Daafac, & Farxaan Xasan DHAGAYSO
Hargaysa 17. April 2017 (SDN/QJ):- Dhawrkii Sannadood ee u Danbeeyay Waxaa Dalka Suuriya Ka Taagan Dagaal Sokeeye oo Riiqdiisu aad u daba dheeraatay, Waxaa Dirirta ka Oogan Suuriya ay ka dhalatay Kacdoonkii la baxay Gu’gii Carabta ee Ka Soo Bilowday Waddanka Tuuniisiya,Masar ka Qarxay, Liibiya Dhulka la Simay una Kaas oo Ku banjaray Dalka Suuriya oo Mucaaridka oo Taageero ka helaya Maraykanka Iyo Xulufadiisu ay Loodin kari Waayeen Xukunka Madaxweyne Bashaar Al Asad oo Qudhiisu Hiil balaadhan ka helay Dalka Ruushka iyo Waddamo kale oo Gobolka ah.
Waxaa Suuriya ka dhacay Mudadaas Hujuuno adag oo la isu adeegsaday Hubka Khatarta ah ee Kimikadu ku Jirto oo lagu garaacay Goobo daad Rayid ahi Ku Noolaayeen.
Waxaan la Cadayn Cida adeegsatay Hubkaas Kiimikada ah Xukuumadda Suuriya ayaa lagu eedeeyay inay iyadu adeegsatay Hubkaas hasa yeeshee Waxay eedaas isaga Moostay Mucaaridka ka soo Hor jeeda oo ay Sheegtay in Maraykanku hubeeyay.
Dhacdadan u danbaysay ee horaantii bishan April ee isticmaalka hubkan kiimikada ah ee ciidamada suuriya lagu eedeeyay waxa ay dawlada maraykanku kaga jawaabtay sida ay mas’uuliyiinta dalkaasi sheegeen 59 gantaal oo 7 April ee sanadkan ciidamada maraykanku ay ku rideen xero ciidan oo ay aaminsan yihiin in laga soo riday hubkii kiimikada ah.
Hadaba Falanqayn amuurtan la Xidhiidha ayaa Waxaa Soo Diyaariyey Weriye Sakariye Axmed Muxumed oo Ka Tirsan Radio Hargaysa Waxaana ka qayb qaatay Weriye Hore iyo Macallin Jaamacadeed Prof C.laahi Moscow, Garyaqaan Guuleed Daafac Iyo Dr Farxaan Xasan ee Maqal Haboon.