“Maxaa annaga iyo majeerteen iskukaaya keenay waa khalad, dhulkoodana waa la yaqaan oo majeerteeniya ayaa la odhan jirey.” Faysal Cali Waraabe.
Minisota:July,07,2014(SDN/QJ)-Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Ucid Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa markale si kulul u weeraray Maamulka-goboleedka soomaaliyeed Ee Puntland.
Guddoomiye Faysal oo u warramay Wariye Cali Xaraare xilli uu ku sugan yahay Dalka maraykanka, ayaa dafiray jiritaanka Maamulka Puntland, isagoo ku sheegay Goob reer Degaan.
Faysal Cali waraabe waxa uu farta ku fiiqay inay Puntland tahay Fidnada ay somaliweyn ka Degi la’dahay Wakhti xaadirkan,
“Puntland wax la yidhaahdaa ma jirto, waayo reer Baa samaystay, meel reer samaystayna xad ma yeelan karaan, xuduudna qabiil laguma sameeyo. Puntland hadday doonayso inay Reer isku keento horto wardheer ha Keento, Fidnada Somalia la degi la’dahayna Puntland baa leh.” Ayuu yidhi Faysal cali waraabe.
Waxa uu Guddoomiye Faysal sheegay inaanay taleex iyo badhani ahayn Goobaha Dagaalo Puntland iyo Somaliland dhex maraa ka dhici karaan, balse taas Beddelkeeda la isku haleeli doono Garowe, waxana uu yidhi,
“Horto taleex, lascanod, iyo Badhan ka dhici maayee garoowe ayuu ka dhacayaa, Maxaa annaga iyo majeerteen iskukaaya keenay waa khalad, dhulkoodana waa la yaqaan oo majeerteeniya ayaa la odhan jirey.”
Faysal cali waraabe ayaa dhinaca kale dhaliilo badan dusha ka saaray xukuumadda madaxweyne Siilaanyo, isagoo ku adkaystay in talada dalka aanu madaxweyne Siilaanyo Marnaba gacanta ku haynin.
SDN/QJ