Sida ay Maxkamadda Sare ee Distooriga ahi uga Garnaqi Weyday Khilaafka Wakiiladdu Waa Indho adayg? & Garyaqaano Ka Hadlay DAAWO
Hargaysa 13. August 2017 (SDN/QJ):- Maxkamadda Sare ee Distooriga ah ee Somaliland ay daadifaysay inay ka Garnaqdo Khilaafkii ka dhashay Doorashadii Gudoomiyaha Golaha Wakiiladda Somaliland oo lagu Muran san yahay Cida loo doortay Gudoomiyaha Golaha Wakiiladda Somaliland.
Garabka uu Hogaamiyo Xildhibaan C.raxmaan Maxamed Talyanle oo ku doodaya inuu helay Codkii 39 Xildhibaan ee u Codeeyay Gudoomiyaha Golaha Wakiiladda ayaa Maxkamadda Sare ee Distooriga ah u Gudbiyey Dacwad ka dhan ah hab musuq maasuq oo ay u dhacday Codayntii Maalintaasi hasa yeeshee Maxkamadda ayaa soo saartay Qoraal ay ku farayso in Khilaafkaas lagu dhameeyo Sida uu ku kala baxo aqalka wakiiladda.