|

Mawqifyada ay Isku Mari Waayeen Labadii Gudi ee Golaha Wakiilada,Iyo Golaha Guurtida oo Hawshii la Wareegay {DHAGAYSO}

Hargaysa 15.Feb 2014 (SDN)- Xubnihii gudida baarlamaanka ee isku dhafka ahaa ee dhexdhexaadinayey khilaafkii ka taagnaa golaha wakiilada dhexdiisa ayaa maanta si wada jir ah u sheegay inay dhexdhexaadintii khilaafkaasi u gudbiyeen Golaha Guurtida ee Somaliland.

Labada Gudoomiye ee labada dhinac u kala meyelayey gudida xalinta khilaafka golaha wakiilada oo kala ah Xildhibaan Cabdiraxmaan Cismaan Caalin (Cabdiraxmaan dheere) iyo Xildhibaan Saleebaan cali kooore ayaa si wada jir ah saxaafadda ugula hadlay maanta magaalada hargaysa waxana ay sheegeen in gudidii golaha wakiiladu u taag weyday inay xaliyaan oo meesha ka saaraam khilaafkaasi taa darteedna ay u gudbiyeen dhanka golaha guurtida Somaliland oo markii hore ka dalbaday golaha wakiilada inay dhexgalaan khilaafkooda.

Guji Halkan oo Mobilkaaga ka Dhagayso Hadaladii Xildhibaanada
[peckplayer id=”1″ sound=”http://www.qurbejoog.com/waraysiyo/GudidaKhilaafka15.mp3″]
Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com

 

Comments are closed