|

Mawqifka Xukuumada Itoobiya ee Markabka Sida Shixnada Hubka ah ee Berbera

Hargeysa, 31 Jan, 2015 (SDN/QJ)- Dawladda Itoobiya, ayaa markii u horeysay ka hadashay Markab dhowaan ku soo xidhay dekedda Berbera, kaas oo xukuumadda Somaliland xannibtay kaddib markii laga helay saanad-milari oo laga shakiyey cidda iska leh.

 

brigadier-general-berhe-tesfaye-247x300Safiirka Itoobiya u fadhiya magaalada Hargeysa Brig. Gen. Berhe Tesfaye, ayaa sheegay in sarkaal ka tirsan Xafiiskiisu u diray xogogaal u noqoshada xaaladda Markabka ku xidhan dekedda Berbera ee saanadda Milatari lagu qabtay, isaga oo tallaabadaas ku tilmaamay inay qayb ka tahay wada-shaqaynta dhinaca ammaanka ee ay wadaagaan Somaliland.

Berhe Tesfaye oo wargeyska HIMILO wax ka weydiiyey jiritaanka war lagu baahiyey warbaahinta qaarkeed oo lagu sheegay in dawladda Somaliland ay safiirka Itoobiya ka horistaagtay booqasho uu ku tagi lahaa magaalada Berbera, waxa uu sheegay inaanay waxba ka jirin warkaas, balse uu jiro sarkaal ka tirsan xafiiskiisa socdaal ku tagay magaalada Berbera.

“Waxba kama jiraan socdaal aan ku tegay dekedda Berbera oo kuna soo eegayey markabka oo lay diiday, balse waxa jiray sarkaal ka tirsan safaaradda Itoobiya ee Somaliland oo socdaal ku tegay xog-ogaal u noqoshada arrimaha la xidhiidha markabka iyo waxa saaran,” Sidaas ayuu yidhi Mr Berhe.

Mr. Berhe oo la weydiiyey inay xukuumadda Somaliland ka wada hadaleen arrimaha Markabka iyo ujeeddada socdaalka sarkaalka ku tegay dekedda Berbera waxuu ku jawaabay, “Kamaanu wada-hadal, sabab aan u weydiiyo ma jiro waa hawl xilkeeda ay leedahay Somaliland, haddii arrimo saamayn leh ay qabaan way nala wadaagi karaan,” ayuu yidhi.

Isaga oo hadalkiisa sii watay, waxa uu intaas ku daray, “Tegitaanka sarkaalka safaaradda ee dekeda Berbera waxuu ahaa kormeer caadi ah oo xog-ogaal ugu soo noqonayey arrimahaa markabkaa iyo waxa uu sido inaanu cadow lahayn, waana arrin aanu wada shaqeyn ka leenahay xagga amaanka Somaliland.”

Xigasho Wargayska Himilo

Comments are closed