“Mawjadihii Siyaasadeysnaa Ee Ina Ruxay, Xaggee Bay ka Yimaadeen?” Aadan Dhoola Yare
Hargaysa 21,Sep 2013 (SDN)- Wasiirkii hore ee Cadaaladda Md. Axmed Axmed Cilmi Dhoolayare oo xiliganna ka tirsan xisbiga tallada haya ee KULMIYE, ayaa sheegay in mucaaridka dalku ay kala garan waayeen xiliyada xukuumadda lagu mucaarido iyo difaaca masiirka ummadda marka dibadda lagaga soo duulo.
Aadan Dhoolayare waxa uu sidaasi ku sheegay qoraal uu galabta ka soo saaray Hargeysa oo u dhignaa sidan:-
“Waxaan qalinka u qaatay ,mawjadahii siyaasadaysnaa ee todobaadkii hore ina gilgilay maxaa la odhan karaa maxay ahaayeen dufaanada ina ruxay xagee bay ka yimaadeen?
Waxay ahaayeen laba arrimood oo aad u culus oo aynaan qaadi Karin oo kala ah shirkadii shidaalka ee Genel Energy iyo diyaaradii Ethiopian Airlines ee joojisay dulimadyadii Somaliland,oo ku beegantay xili ay dhoofi lahaayeen dad maati iyo caruur ah oo ka noqonayay fasaxi xagaaga oo ay kala kulmeen dhibaatooyin safar.
Hadaba, maqaadiiraha dhacay ee sababay inay laba shirkadood oo caalami ahi ka baxaan dalka oo ay ku farxeen cadawgeenu iyo sida ay ugu hiiliyeen mucaaridku waa kalmaan.
Waxaan qabaa marka ay arrintan oo kale dhacdo maaha mid xukuumada lagu eedeeyo waxay la mid tahay qaranka oo dibedda cadaw ka soo weeraray ,dabcan arrimahan waxaa ka soo shaqeeyay dawlado shisheeya ah oo neceb inaynu dhinaca horumarka ugu talaabsano, haddii ay tahay inaynu la soo baxno khayraadka ku duugan dalkeena iyo inay wadankeena yimaadaan diyaarado caalami ahi.
Taas waxaa u daliil ah markaynu ahayn wixii la odhan jiray Soomaaliya waxaynu ogayn ama maqli jiray dawlado carbeed ayaa diidan in shidaal laga qodo wadnkeena waxay ahaayeen siyaasado dahsoon oo ahaa dagaal qabow oo innagu socday. Maanta oo aynaan ictiraafna haysan oo aynu ognahay cadawgeena .
Waa nasiib darro in mucaaradkeenu kala garan waayo waxay xukuumada ku mucaaradayaan iyo difaaca dalka, waa nasiib darro inay garan waayaan in qarankii la soo weeraray,oo dawlado shiisheeya ahi soo abaabuleen inay ku cabsi geliyeen shirkadaha maalgelinta ee wadanka jooga inaanu amaankoodu sugnayn .
Arrintaasi miyaanay ahayn in qarankii debedda laga soo weerary ,waxaynu ognahay in laga xun yahay nabadgelyada iyo ammaanka aynu haysano ,sidaasi darteed aynu leenahy cadaw fara badan oo doonaya inay ina mijaxaabiyaan ama khakhal iyo sumacad xumo geliyaan ammaanka aynu haysano.waxaynu dhamaanteen qiraynaa inaynu ka nabadgelyo wanaagsanahay dalal badan oo caalamka ah ,waxaynu xukuumada eedayn kara marka ficil ammaan darro ah lagu hujuumo ajaanib maslaxdo ku leh dalka ama la weeraro wadanka gudihiisa oo la yidhaa xukuumadu waxba kamay qaban amniga.
Waxaynu ognahay shirkadahaas lama weerarin dhibaato looma gaysan ,aan ahayn cabshooyin dad saluugsan habka shaqaalaynta oo ah cabasho caadi ah.
Waxaynu ognahay in wadamo badan oo ay joogaan shirkado shidaalka baadha lagu weeraro goobaha shaqada hadana ay joogaan. Hadaba mucaaradkeena miyaanay ceeb ku ahayn inay ku eedeeyaan xukuumada dibindaabooyin debedda laga soo melmalay oo qarankeena wax lagu yeelayo ,waxaa jira in laga shaqeeyay si kastaba ha noqotee ,baayacaad ,hanjabaad, laaluush,si looga saaro dalka. Si kastaba ha noqotee shacabku waxay aad uga xumaadeen markay maqleen wararka noocaas ah iyaga oo rajo fiican qabay,hadana waxaa la yidhaa Somaliland waxay ugu fiican tahay, markay ugu daran tahay.wax waliba waxay ku soo noqon doonaan caadi. laakiin mucaaradku ha kala gartaan wixii lagu mucaaradayo xukuumada iyo inay waajib ku tahay in meel looga soo wada jeesto xilliga qaranka ay soo waajahdo weeraro shiisheeye oo noocan oo kale ah.”
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com