|

Mauritania: Macalin Laydh Iyo Shaabuug U Adeegsaday Ciqaabta Ardaydii Uu Wax Barayay !

Mauritania 28. April 2017 (SDN/QJ):- Macalinku waa baraha bulshada had iyo jeerna macalinka wanaagsani waxa uu ku dedaalaa sidii uu u soo saari lahaa Jiil aad u qiimo badan, balse ciqaabta uu macalinku mariyo ardaygiisa marka uu wax qaldan ku kaco waxa habboon inay noqoto mid aan saamayn ku yeelan caafimaadka iyo jidhka Ardayga uu macalinku wax barayo.

Dalka Mauritania ayaa waxa ka dhacday arrin aad u fool xun oo ay ka dayriyeen Dadka ku dhaqan dalkaasi kadib markii Macalin wax ka dhiga mid ka mid ah Dugsiyada Dalkaasi inuu si xun u garaacay wiil arday u ahaa oo ay da’diisu tahay 8 jir.

Macalinkan ayaa waxa uu jidh dilay ardaygaasi waxaana soo gaadhsiiyay nabaro aad u weyn, maadaama oo uu ciqaabta ardaygaasi u adeegsaday Laydh iyo Shaabuug, waxaanay waalidka ardaygaasi ka codsadeen Xukuumada Mauritania inay  tallaabo sharciga waafaqsan ka qaadaan macalinkaasi.

Dhinaca kalena hay’adaha Xuquuqda Aadamaha ee ka hawl gala dalkaasi ayaa ka soo hor jeestay falkaasi aadka u foosha xun.

Ahmed Al Waliid oo ah wiilka uu dhalay Mulkiilihii Dugsiga Al-Nour ee uu ardaygani wax ka baranayay ayaa waxa uu yidhi “Waxa ila soo hadlay waalidkii dhalay ardayga waxaanay ii sheegeen in si aad u xun loo dilay ilmahoodii sidaa awgeed ay rabaan in loo soo qabto macalinkii ku kacay falkaasi”.

Sidoo kale ciidammada Dalkaasi ayaa gacanta ku soo dhigey macalinkii falkaasi ku kacay waxaanay sheegeen in tallaabo laga qaadi doono dhawaan.

Comments are closed