|

“Mas’uuliyiinta Kulmiye Olale Reeraysan Ayey Ku Tageen Gobalada Galbeedka Iyada Oo Bakhtigii Xooluhu Ay Wadhan Yahiin ” Siyaasi Aadan Dhoolayare DAAWO

Hargaysa 19. December 2016 (SDN/QJ):- Siyaasi Aadan Axmed Cilmi Dhoolayare oo ka mid ah masuuliyiinta xisbiga mucaaridka ah ee Waddani waxaa uu xukuumada Somaliland iyo masuulyiinta xisbiga Kulmiye ku eedeyey in ay olale reeraysan ay ka bilaabeen gobalada galbeedka Somaliland wakhti ay dalka ka jiraan abaaro xoogani isla markaana bakhtigii xooluhu ay wadhan yahiin .
Sidoo kale Siyaasi Dhoolyare waxaa uu edeymo culus hawda u mariyey Wasiirul Dawlaha wasarada arimaha dibada Somaliland Prof Maxamed Maxile Boqore oo uu ku sifeeyey mid aan wax badan ka aqoon hanaanka iyo sharciyada dawladnimo .
Prof Maxamed Mixile Boqore waxaa uu siyaasi Dhoolayare ku tilmaamau nin deg deg badan isla markaana aan aqoon u laheyn ku dhaqanka dublamaasiyada

Comments are closed