|

Mas’uulkii Amniga u Qaabilsanaa Kooxda Khaatumo Kayse Cabdi oo intii uu u Talaabay Kooxdaas Markii u Horaysay Ku Hoyday Guriga uu ka degan yahay Degmada Widhi Widh

Widhi Widh 21.Aug 2016 (SDN/QJ):- Wararka naga soo gaadhaya Gobolka Buuhoodle waxaa ka mid ah, Wasiiru dawlihii hore ee Arimaha Bariga Somaliland Keyse Cabdi Yuusuf ayaa soo gaadhay shalay gelinkii dambe degmada Widhwidh ee Gobolka Buuhoodle, waxaana halkaa ku soo dhaweeyay Masuuliyiinta Somaliland ee heer Gobol iyo heer Degmo, iyo Saraakiisha Sar-sare ee Hogaamiya Ciidamadda Qaranka Somaliland ee fadhigoodu yahay degmada Widhwidh.

kayse cabdiMasuulkan ayaa u soo gudbay Gurigiisa oo ku yaala gudaha Magaalada Widhwidh, isbedeladan siyaasadeed ee socdaa ayaa muujinaaya isku soo dhawaansho balaadhan, kalsooni weyn iyo is afgarad siyaasadeed oo dhax maray Xukuumadda Somaliland iyo Siyaasyiinta gobolada Bari, taas oo laga dheehan karo imaatinka Keyse Cabdi Yuusuf uu Gurigiisa degmada Widhwidh habeenkii xalay ahaa u hoyday, iyadoo Amaankiisana ay sugayeen Ciidamada Somaliland.

Dhinaca kale Masuuliyiinta Somaliland ee degmada Widhwidh ayaan iyagu dhinacooga haba yaraate aan ka hadal ujeedada ka dambeysa socdaalka Keyse Cabdi Yuusuf uu ku yimid degmada Widhwidh, Keyse wuxuu ka mid yahay Masuuliyiintii Khaatumo ee wada hadalka la furay Xukuumadda Somaliland, isagoo ahaa Mas’uulkii hogaaminayey Masuuliyiintii bishan bilowgeedii soo gaadhay degmada Caynabo ee gobolka Saraar.

Tibaaxo Wareed  ayaa sheegaya in ujeedada socdaalka Keyse Cabdi Yuusuf ay la xidhiidho u gogol xaadhida Wajiga labaad ee wada hadalka oo sida muuqata lagu wado in Masuuliyiinta Khaatumo ay dib ugu soo guryo noqdaan dalkooda Hooyo ee Somaliland.

Sida aynu la wada soconay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Wuxuu Doraad Booqasho ku Tegay Xarunta Gobolka Sool ee Laascaanood Isagoo Xalayna ku Soo Laabtay Magaalada Burco Iyadoo Filashada u weyn ee Socdaalkiisa laga eegayay Sidii u dhamaystiri lahaa wada hadalka ay Xukuumadiisu la furtay Kooxda Khaatumo ee Prof Cali Khaliif hogaaminayo taas oo aan u dhicin Sidii laga eegayay.

Comments are closed