|

“Masuulka Meel Loo Dhiibaa Wuu Xanuunsan Karaa, Dad kale Ayaa Awoodiisa Ku Shaqaysan Kara” Cali-kubbed

Hargaysa 06.Jan 2016 (SDN/QJ):-Gudoomiye Ku Xigeenkii Hore ee Komiishankii Doorashooyinka Qaranka Cali-khadar Xasan Cismaan (Cali-kubbed) ayaa ka hadlay Nidaamka Dimuquraadiyadeed ee Somaliland ka Jira iyo Sida awoodaha qaranka mabnuuc uga tahay in Cid gaar ahi ku Tagri fasho.
cali-kubad
Qoraal uu arrintaas kaga hadlayo ayaa waxa uu ku bilaabay “Eray khalad badan laga fahmey oo qofba siduu jecel yahay u turjunto. Erayga asalkiisu Waa Giriig ama (Greek), waana laba eray oo la isku daray Demo-cracy. Demo waxay la micne tahay dadkii, Cracy-na waa awood ama ismaamulkii. Markaas beytul qasiidku waa dadkii oo awoodii ismaamulka Iska leh.

Qaaliban, ismaamulka Waa mid toos ah marka dadku yar yahay ee la kulmi karo sidii dadkeenuba ay geedka Qudhaca ah ay u hoos fadhiisan jireen( direct democracy). Haddii dadku badan yahay oo meesha wax laga xukuma ay ka fog tahay, dadku markaas waxay doortaan xildhibaano ay u diraan goobta ama meesha mindida-talo-goyntu uu daabkeedu yaalo, xildhibaanadaas baa dadkii soo doortay ay wakiishadeen oo metelaya( Representative democracy).

Beri dhexdaas ah baan tegey gobol ka mid ah gobolada Somaliland, waa maalin jimce ah. Waxan tegey masaajid si aan ugu soo tukado salaadii jimce. Khudbadii buu Shiikhii bilaabay. Waxaan fadhiyaa malaha safka saddexaad, waxaanan ka mid ahaa waqtigaas Gudidida Doorashooyinka Qaranka Somaliland. Shiikhii waxuu ku bilaabay khudbadii, waxa la inoo keenay fikred gaalo wadato oo la yidhaahdo dimuquraadiyad, taas oo ka soo hor jeeda kutubka Ilaahay ee Quraanka ah iyo sunaha Nebiga( SCW). Waxa hadalkiisii ka mid ahaa Shareecada Islaamka iyo Kutubka Quraanka ah ayey gaaladu rabtaa inay dimuquraadiyada ku bedelaan. Waxu ku soo gabagabeeyey, “dimuquraadiyadu waxay inoo horseedeysaa inay gabadhuhu isguurasadaan, ragguna isguursado. Markaas qofka doorashada ka qayb gale waa qof shareecada islaamka iyo sunnaha Nebiga ka soo hor jeeda, ee ha codaynina”. Hadaba, hadaynu dhinac kale ka eegno, culimo waaweyn oo diinta loo daba fadhiisto, oo runtii anigu aan qaderin weyn u hayo, baa sidaan Muxaadarooyin koodu u daawanayo, baan arkaa iyagoo markeli uun dhibaatooyinka ay ka hadlayeen soo dhex geliyey hadal sidan oo kale u dhigan. “…………..Sababtoo ah, waxaas oo xumaan ah iyo kuwo kale oo badan waxa inoogu wacan, dee waxaynu qaadanay shuqulo aynaan garanayn iyo Dimuquraadiyad la inoo soo waaridey oo gaalo samaysatay, Diinteeniina waynu ka fogaaney”.

Dimuquraadiyadu wax kutubka Quraanka ah lagu bedeli karo maaha, wax Samaawi ah oo inoo soo degeyna maaha, waa qorshe dad bani’ Aadam ahi ay samaysteen si ay isugu maamul aan, kadib markay ka caalwaayeen diintooda Masiixiga ah. Taas micnaheeddu maaha gaalo ayeynu ku dayeyneynaa. Waxase fiican inuu qofku fahmo waxuu wax ka sheegayo, oo aanu wax iskala coloobin. Bal ka warama akhristayaalow, hadaan iminka idhaahdo,” haweenay gaalad ah baa dalxiis ku timi dhulka ay Soomalidu degto wakhti aan sidaas usii fogeyn. Markaas waxay la kulantay wadaad Somali ah. Waddaadkii baa Muslimiyey gabadhii, way isguursadeen, muddo markay isqabeen bay kala tageen. Waxay ku noqotay dalka Maraykanka. Buug bay markaas qortay la yidhaahdo Cun, tuko,oo jameecayso (Eat, Pray, Love). Buugii waxu noqday buuga loogu iibsi badan yahay Maraykan iyo Yurub oo dhan”. Dadka qaar badan baa i rumaysan lahaa, anigana been iyo masuul daro bay ugu ahaan ahayd inaan dadka waxaas oo kale ugu sheekeeyo.

Dimuquraadiyadu waa maamulka dawladnimo ee igu xun marka intii kale aynu soo marnay laga reebo ( inta la reebay baa ka sii xumayd weeye ujeedadu) waxa yidhi Raysal wasaarihii hore ee Ingiriiska Sir Winston Churchill ( Democracy is the worst form of government except for all those other forms that have been tried from time to time). Haddii ay reer Soomaliland siday qabyaalada u aaminsan yihiin, ay u aaminsanaan lahaayeen diinta Islamka, waxaan qabaa inaynu “Dimuquraadiyad Islaami” ah isku maamuli lahayn. Waxa madaxweyne ka noqon lahaa wadanka qofka ugu fiican iyadoon loo eegin gobolkuu qofkaasi ka yimi iyo reerka uu ka soo jeedo. Haday Dimuquradiyadeena ay taabo qaadi lahaydna ,waxa jira lahaa xusbi Islaami ah. Waxaan qabaa in dad badan khalad laga fahmsiiyey Dimuquraadiyad. Culimadeenu waxay ku odhanayaan marka Amiir Muslim ah dalka xukunkiisa loo dhiibo , Amiirkaas baa talada haynaya intuu nool yahay ee ay saantiisu qoyan tahay. Amiir Cumar ibnu Abdiasis dabadii maynu arag amiir Muslim ah oo si fiican wax u maamulay. Dimuquraadiyadu waxay suurageliysaa uun, in markii muddo la joogaba xaalada hogaamiyaha dalka ay dadkiisu ogaadaan, waqti mudeysan marka la gaadhona ay doorasho dhacdo, oo ama kalsooni cusub la siiyo ama qof kale lagu bedelo. Masuulka meel loo dhiibaa wuu xanuunsan karaa, ama wax shakhsiyadiisa kala dhantaali kara baa ku immin kara, Ilaahay ha inaga najeeyee. Dad kale ayaa awoodiisa ku shaqaysan kara, oo ku adeegan kara awoodii hogaamiyaha loogu tallo galay. Bal ka warama haduu Amiirkii loo dhiibey hogaanka u galo marxalado aanu gudan karin masuuliyadii la dhiibtey, oo uu muddo labaatan ama sodon sano ah xaaladaas ku jiro, oo uu Isla markaas qof kale ku shaqaysto awoodii isaga loo igmaday? Miyaanay taasi keenteen habaar-biiray kale.

Ta kale, Sacuudi Carabiya waxa lagu maamulaa kitaabka Quraanka ah, waa siday yidhaahdaane, tolow markaas intee cadaalad daro ah bay reer Aala-Sacuudi ku yahaan muwadiniinta kale ee dalka la leh? Dad badan baa iyaguna ku soo gabada diinta si ay kursiga ugu fuulaan. Madaxweynaha Gambiya (The Gambia) intuu inqilaab xukunka ku yimi 1994, oo hadana doorashooyin ku sheegyo qabtay, buu saddex jeer yidhi mar walba waa la idoortay. Imminkana markuu meel u baxo waayey, buu ku dhawaaqay inay Gambiyaa noqonayso “dawlada islaamiga ah ee Gambiyaa”. Tolow culimadeenu, maxay odhan lahaayeen waa nin wanaagsan oo dalkiisii islaamnimo ku xukumaya. Ugu danbeyn, maxaa caalamkii islaamka oo waliba Carabta u badan la isugu dilayaa anigaa xukumaya iyo xukumi meysid. Miyaanay iyaguba muslimiin ahayn. Culimadeena sharafta mudan waxaan xusuusin lahaa inaynaan Dimuquraadiyadba ku dhaqmin, ee waxeenuba yihiin qabyaalad Go’ weyn oo dimuquraadiyadi ku dul qoran tahay la huwiyey. Saddex xusbi oo ay beesha dhexe ka madax yihiin, oo habka lagu soo soocay ay khalad ku salaysan tahay baa meesha ka jira. Waaba Lax baa la idiinka yidhi ee Wanba maaha!

Waxaan kusoo afmeerayaa, Dimuquraadiyadu wax adag iyo mucjiso culus maaha, ee yaynaan isku jaah wareerinin, dadkana la minjaro habaabinin. Waxa Keli ah ay Daawada ka tahay waa kelitalisnimada iyo xukun maroorsiga. “Democracy is a solution to the problem of tyranny but not necessarily to anything else” …. Samuel Huntington. Dimuquraadiyadu codaynta marba muddo joogta (periodic elections) codbixinta ay dhacayso bay fududaysaa. Waxay fududaysaa kala doorashada cida hadba Baska/Tareenka dadku ay saaran yihiin uga noqon lahayd darawal.

Ta kale, Dimuquraadiyadu maaha inay noqoto meel dadka badhna dhergey, badhna bakhtigu u xalaal yahay, ama badhna xor yihiin badhna adoomo lagu shaqaysto oo bilaa xaquuqa ay noqdaan. Amaba ay maal-qabeenadu dadka danyarta ah u tilmaamaan cidii ay u codayn lahaayeen, si ay u sii wataan dhiigmiirashada ay ku hayaan. Waxaan ka hadlayaa maalqabeenada reer galbeedka( industrialists), waayo innagu kuwaas oo kale maba lihin. Ugu danbayn, dee codbixinta iyo doorashaduna maaha inay noqdaan mid ay laba Waraabe, iyo Wan weyn oo sumal ah oo badhiweyni, ay ka codaynayaan waxii lagu cashayn lahaa ee caawa la cuni lahaa, oo saddex doodaas aanay cid kale la wadaagin cod bixinta.

Mahadsanid,

Qalinkii: Cali-khadar Xasan Cismaan (Cali-kubbed)

Guddoomiye ku xigeenkii hore ee KDQ JSL

Comments are closed