Masuuliyiintii Xisbiga UCID Ee Maal-mahan Seattle Joogay Oo U Ambabaxay Gobolka Minnesota(SAWIRO)
Seattle Feb 22,2013(SDN)-Waxa maanta Gegida diyaaradaha ee Sea-tac International Airport ee magaalada Seattle ka ambabaxay Masuuliyiintii Xisbiga Cadaallada Iyo Daryeelka (UCID) ee maal-mahan socdaalka ku joogay magaalada Seattle ee gobolka Washington.
Masuuliyiintan oo kala ah Musharaxa Jagada Madaxweynenimo Ee Xisbiga Aqoon-yahan Jamaal Cali Xusseen Iyo Xoghayaha Guud Ee Xisbiga Mudane Axmed Aadan Ismaaciil (Axmed Kayse) ayaa waxa saaka madaarka kusii sagootiyay taageerayaasha xisbiga iyo qaybaha kala duwan ee bulshada reer Somaliland oo uu hormood u yahay Gudoomiyaha Xisbiga UCID ee gobolka Washington Mudane Rashiid Caraale.
Labada masuul ayaa u ambabaxay gobolka Minnesota oo ay halkaas kaga qayb-gali doonaan xaflad qaban-qaabadeedu iyo agaasimkeedu maal-mahanba halkaas ka socday oo lagu soo dhaweynayo labada masuul islamarkaana loogu dabaal dagayo hanashada xisbigu ku hantay kaalintiisii xisbi Qaran-nimo.
Dhanka kale Masuuliyiinta xisbigu waxay maal-mahanba kulamo isdaba jooga la yeelanayeen qaybaha kala duwan ee bulshada reer Somaliland iyo taageerayaasha xisbigaba, iyagoo xallayna kulan gaar ah ku qaabilay Haweenka reer Somaliland. Waxa sidoo kale kulan qado sharaf maamuus sara’le ku qaabilay Xildhibaan Cismaan Haybe oo ah Aqoon-yahan u dhashay Jamhuuriyada Somaliland islamarkaana ka mid ah masuuliyiinta sar-sare ee magaalada Sea-tac oo runtii hadal qiimo badan-na habeenkii dhaweyd ka jeediyay xafladii debaal-dega ee xisbiga.
Aqoon-yahan Jamaal Cali Xusseen Iyo Mudane Axmed Kayse intii ay joogeen magaalada Seattle ee gobolka Washington waxay socdaal kusoo mareen xarumaha shirkadaha waaweyn sida Starbucks, Microsoft, Boeing, Amazon, waxa kale oo ay booqdeen goobaha ganacsi ee hal-bawlaha u ah magaalada Seattle sida Space Needle, Pike Place Market, Museum Of Flights iyo goobo kale.
Khadar Ismaaciil Cilmi.
Seattle Washington.