|

Masuuliyiinta Xisbiga Wadani oo ku qanciyay Guudoomyahooda in aanu iska casilin xilka Wakiilada,iyo soo jedin xal la isla qaatay oo ku wejahan ku-xigeenadiisa Wakiilada

Hargeysa Feb 15,2014(SDN)-Masuuliyiinta sar sare ee xisbiga Wadani ayaa xalay oo idil waday wadahadalo ay ku qancinayaan Guddoomiyahooda Md Cabdiraxmaan Cirro oo khilaaf weyni hareeyay Gollaha Wakiilada Somaliland.

Ilo wareedyo ayaa xalay Qurbejoog.com u sheegay in Guddoomiyaha Wakiiladu ka qancay siiheynta xilka GuddoomiyahWakiilada.

Guddi ka kooban dhinacyadii isku hayay Wakiilada ayaa soo jeediyay in nidaamkii Shirguddoonka siman dib looga dhaqan geliyo Gollaha Wakiilada Somaliland.

Guddoomiyaha oo aan soo jeedintaa ku qancin ayaa soo jeediyay in uu isaga dhaadhacayo xilka hadii aan xeer hoosaadyada Wakiilada sidooda loo deyn.

Balse Masuuliyiinta Wakiilada ayaa Guddoomiye Cirro ku qanciyay in uu waanwaanta aqbalo xilka Guddoomiyenimona  sideeda u sii hayo.

Hadaba isweydiintu waxa ay tahay in labada Guddoomiye ku-xigeen ogolaan doonaan waanwaantan ah in wax waliba sidoodii hore loo daayo oo shir-guddoonkuna sinaado.

Mudeneyaasha muxaafidka Kulmiye oo ay ku-xigeenada Wakiiladu hogaaminayaan ayaa aaminsan in cod lagu kala calaf qaado.

Waxaaney istuseen in ay heystaan aqlebiyad ay uga takhalusaan Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro.

Si kastaba ha ahaatee saacadaha soosocda ayaa la kala ogaan doonaa xaqaaiqa khilaafka wakiilada Somaliland.

SDN-Hargeysa

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed