Mas’uuliyiinta X.WADDANI Ee Gobolka Maroodi Jeex Iyo Garabka Haweenka Heer Qaran Oo Deeq Biyo Ah Gaadhsiiyey Xaafadda M.Mooge DAAWO
Hargaysa 21. February 2016 (SDN/QJ):- Qaar kamid ah mas’uuliyiinta xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI ee gobolka Maroodi Jeex ayaa deeq biyo ah gaadhsiiyey qaar ka mid ah dadweyne ku dhaqan xaafadda Maxamed Mooge,gaar ahaan xerada barakacayaasha ee Camp B.
Mas’uuliyiintan ayaa waxaa hoggaaminayey guddoomiyaha gobolka Maroodi Jeex ee xisbiga WADDANI,Garabka Haweenka xisbiga ee heer qaran iyo xog-hayaha xisbiga WADDANI ee gobolka Maroodi Jeex.
Ugu horreyn ayaa deeqdaasi waxaa hadallo kooban ka soo jeedisey mid ka mid ah hooyooyinka ku dhaqan xaafaddaasi maanta la gaadhsiiyey deeqda biyaha ah,waxaana ay tidhi iyada u mahadcelinesa mas’uuliyiintii soo gaadhsiiyey deeqda biyaha ah “Aad iyo aad ayaanu idiinku mahadnaqeynaa,waxaanu nahay dad danyar ah,wixii wax noo taraba mahadbaanu uhaynaa,mahad ballaadhan ayaanu u haynaa,dhammaan xisbiga gabigiiba mahadi hafuusho,xisbigaa WADDANI ee biyaha noo keenay ayaanu mahad u haynaa iyo Illaaha noogu soo dhiibay”
Sidoo kale waxaa madashaa Marwo Maryan Maxamuud Dirir,kana mid ah garabka haweenka Heer qaran ee xisbiga WADDANI ayaa u mahadcelisey garabka haweenka ee xisbiga WADDANI ee deeqdan u soo gartay xaafadda Maxamed Mooge,waxaana ay tidhi”Waxaanu maanta booqanney bariga Maxamed Mooge xaafad ku taalla oo ah xaafad danyar ah,xaafaddaas waxaa booyado biyo ah ugu deeqay,garabka haweenka ee degamad”
Marwo Maryan Maxamuud Dirir ayaa iyada oo hadalkeeda sii wadata waxay tidhi “Xilligan waxaynu ku jirnaa xilligii abaaraha,waxaynu ku jirnaa xilli biyo la’aani jirto,waa inaynu is caawinnaa,Illaahayna waxaan ka baryayaa inay dadka muslimiinta ah in ay Illaahay ka cabsadaan”Ayey tidhi Marwo Maryan Maxamuud Dirir.
Dhinaca kale waxaa halkaasi ka hadashay guddoomiye ku-xigeenka gobolka Maroodi Jeex ee xisbiga WADDANI Marwo Hinda Xassan Idiris “Ajarkaa maanta waxaa shaqeysatay oo iska leh Canab,waxaan jecelahay Canab dadkeedii ayey ogaatay,waa inay degmooyinka kalena Canab ku daydaan”
Marwo Hinda Xassan Idiris oo hadalkeeda sii wadata ayaa waxay tidhi “Annagu kuma mashquulsanin wasaaradaha,lacagta dadweynaha,laakiin waxaanu ku mashquulsannahay dadkayaga”
Dhinaca kale Marwo Hinda Xassan Idiris ayaa ugu baaqday dadweynihii xaafaddaas ku nool inay codkooda siiyaan xisbiga WADDANI”Hooyooyinkii waxaa laga daadiyey miisaskii Jig-Jig yar sidii loo galay waad arkeyseen dawladda Hoose,waxaan idin leeyahay halka aad maanta ku aarsan lahaydeen,KULMIYE maanta waxa uu innoo tarayaa ma jirto sidii hablihii Awdal aynu ku dayanno,aynu xisbiga wax inna siinaya raacno”Ayey tidhi Marwo Hinda Xassan Idiris.
Geesta kale waxaa halkaasi ka hadashay Canab Good Cabdi oo ah garabka haweenka xisbiga WADDANI ee xaafadda Maxamed Mooge,ahna hooyada soo abaabushay deeqdan biyaha ah ee la gaadhsiiyey xaafadda Maxamed Mooge”Idinka oon I ogeyn ayaan idiin imi guddidaan u immi,waan idinku meerey,baahidiinaan arkay,markaan baahidiin arkay anoon xisbigii u tagin ayaan idhi jeebkaaga horta maxaad degdeg uga soo saari kartaa labadaa booyadood horta degdeg uga soo saar,sidaasaan xisbgaygiina ula tagey”Ayey tidhi hadashay Canab Good Cabdi oo ah garabka haweenka xisbiga WADDANI ee xaafadda Maxamed Mooge,ahna hooyada soo abaabushay deeqdan biyaha ah ee la gaadhsiiyey xaafadda Maxamed Mooge.
Dhinaca kale waxaa halkaasi ka hadlay guddoomiyaha gobolka Maroodi Jeex ee xisbiga WADDAN Md.Siciid Bustaale “Saaka Xisbiga WADDANI waxaa uu taakuleyn biyo ah la soo gaadhey danyarta degmada Maxamed Mooge,kaamka barakacayaasha ee Kaam Bii”
Guddoomiyaha gobolka Maroodi Jeex ee xisbiga WADDANI Md.Siciid Bustaale isaga oo hadalkiisa sii wata ayaa waxaa uu yidhi “Qaddarkaa biyaha ee kooban waxay ka mid tahay siyaasaddiisa inuu gurmadka iyo taakuleynta dadka jicilsan inuu had iyo jeer ku fikiro”Ayuu yidhi guddoomiyaha gobolka Maroodi Jeex ee xisbiga WADDANI.
Sidoo kale waxaa halkaasi ka hadlay Xog-hayaha gobolka Maroodi Jeex ee xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI Md.Mahad Xaaji Faarax (Qasbaaye),waxaana uu si mugleh uga hadlay inay sii wadi doonaa taakuleynta dadka danyarta ah,kaasi oo ay ka mid tahay buu yidhi siyaasadda xisbiga WADDANI.