|

Mas’uuliyiinta Waxbarashada Punt Land oo Soo Kormeeray Mashruuc socda Deegaanka Dangorayo

Garowe 26.July (SDN) Masuuliyiinta wasaarada waxbarasha Puntland iyo hay’ada World Vision ayaa dhowaanahan kormeer ku tagtay Degmada Dangorayo ee gobolka Nugaal iyo tuulooyin hoostaga.

Gudoomiyaha waxbarshada Gobolka Nugaal Xasan Cadulaahi Cilmi (Xasan Birimo) oo la hadlay Radio Garowe ayaa sheegay in kormeerkaasi ahaa mid loogu kuur galay barnaamij waxbarasho oo World Vision ay ka waday degmada Dangorayo iyo xogwaraysi ku saabsan baahiyaha dhanka waxbarashada ee ay qabaan dadka deeganaasi.

Xasan waxa uu xusay in dhamaan meelihii ay tageen oo tuulooyin u badnaa  Dadka ku nool ay soo dhawayn ballaran kala kulmeen,ayna warbixino kala duwan ka dhagaysteen.

Dhinaca kale Maxmed Cali Jaamac mashruuca waxbarashada u qaabilsan World Vision ayaa isna dhankiisa Radio Garowe uga waramay muhiimadda mashruucadan uu u leeyahay dadka degan  goobaha ka baxsan laamiga ah oo socon doona saddex sanno.

Mashuurcan ayuu sheegay inuu iskugu jiro mid daboolaya baahiyaha asaasiga ee nolosha oo waxbarashada iyo caafimaadku hormuud ka yihiin.

Dad badan ayuu Maxamed Cali tilmaamay inay ka faa’idaysteen ,isagoona dhanka kale xusay inay baahiyo badan sheeganayaan dadka deegaanku oo ugu horeyso biyo.

Iskuulo ayaa loo dhisaya deegaanda qaar si wax loo bari caruurta reer guuraaga ,iyadoona uu cadeeyay in World Vision dhowaan mid la mida ka bilaabi doonto deegaanada kale ee Puntland.

Garowe SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed