|

Masuuliyiinta Wasaaradda Duulista oo shaaciyay in Madaarka Hargeysa la xidhayo 1-da May

Hargeysa, 27, April 2012 (SDN)- Masuuliyiinta Wasaaradda Duulista Hawada Somaliland ayaa shaaca ka qaaday in bisha May bilawgeeda uu xidhmayo Madaarka magaalada Hargeysa eeEgalInternationalAirport, kaasoo laga bilaabi doono dhisme casriyayn ah ooh ore loo sheegay inay hirgelinayso DawladdaKuwait.

Masuuliyiinta Wasaaradda Duulista ayaa ku wargeliyay Shirkadaha Diyaaradaha eeSomalilandinay duulimaadyadooda u wareejiyaan Madaarka magaalada Berbera.

Xidhitaanka xilligan ee Madaarka magaalada oo ku beegantay xilli xagaa ah, isla markaana muwaadiniinta reer Somaliland ee ku kala nool daafaha dunidu ay ku soo laabtaan dalka, ayaa noqonaya mid keeni kara culays dhinaca duulimaayada ah, iyadoo madaarka magaalada Berbera aanu  ku filnayn safarada dadka imanaya xilliga xagaaga, iyadoo cimilada magaalada Berberina xilligan ay tahay mid aad u kulul.

SDN, Hargeysa

Comments are closed