Mas’uuliyiinta Wasaarada Boosaha oo Kormeer Dhaqaale Raadin ah ku Soo Maray Shirkadaha Isgaadhsiinta
Hargaysa 22.July (SDN) Wasiirka Wasaarada Boosaha Iyo Isgaadhsiinta Mudane Maxamed Jaamac Abgaal oo ay weheliyaan agaasimaha Guud Ee Wasaaradaasi Faysal Cali Sheekh Iyo Masuuliyiinta wasaarada Boosaha iyo isgaadhsiinta ayaa maanta koormeer ku soo maray xarumaha shirkadaha telesom iyo Nation link ee caasimada hargaysa
Kormeerkoodan oo ay ka bilaabeen xarunta guud ee shirkada Telesom ay ku leedahay magaalada hargaisa ayaa waxa halkaasi ku soo dhaweeyay madaxda sare ee shirkada telesom
Kulan dhex maray labada dhinac ee madaxda shirkada telesom waxa ay warbixin ka siinyeen wasiirka iyo agaasimaha guud howlaha shoqo ee ay shirkada telesom u qabato bulshada iyo qaabka ay u shaqayso
Wasiirka wasaarada boosaha iyo isgaadhsiinta iyo masuuli yiinta kale ee lasocotay ayaa dhankooda ku a maanay shirkada telesom hormarka dhinacyada kala gadisan leh ee ay gaadhay gabagabadii waxa ay masuuliyiintu soo kormeereen qaybaha kala duwan ee xarunta iyo qalabka ay shirkadu ku shaqayso sidoo kale wasiirka wasaarada boosaha iyo isgaadhsiinta iyo agaasimaha guud ee waxsaaradaasi waxa ay soo kormeereen xarunta guud ee shirkada nationlink iyaga oo xarunta shirkadaasi kulan kula qaaday masuuliyiinta shirkada nationlink
Masuuliyiinta wasaarada boosaha iyo isgaadhsiinta ayaa kormeerka ay ku soo mareen xarumaha shirkadaha is gaadhsiin kul tilmaamay mid ay uga go, leeyihiin sidii wada shaqayn wanaagsani u dhexmarilahayd wasaarada iyo shirkada isgaadhsiinta ee dalka ka jira .
Madaxda Wasaarada Boosaha ayaa Shalay soo Kormeeray Shirkadaha Isgaadhsiinta ee Solteco iyo Som-Cable iyagoo u bandhigay Sidii ay Gacan uga Gaysan lahaayeen Dhisme loo Sameeyo Wasaarada Boosaha oo aan u Muuqan hay’ad dawladeed.
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com