|

Masuuliyiinta Gobolka Maroodijeex oo Sameeyay Kormeer Dhanaka Fayo Dhawrka

Hargeysa April 25,2012(SDN)-Isu duwaha Wasaarada Caafimaadka ee Goolka Maroodi jeex Axmed Xasan Goole oo uu weheliyo Madaxa Faya dhawrka ee Wasaarada Caafimaadka C.wahaab Cabdi Jaamac “Nakruuma” ayaa Maanta kormeer ku soo maray goobo door ah oo xili roobaadkan u baahan in feejignaan gaar ah loo yeesho.

Madaxa faya dhawrka ee Wasaarada Caafimaadka oo u waramayay Wakaalada Wararka ee Solna ayaa sheegay inay soo mareen goobo badan oo ka mid ah caasimada dalka ee hargaysa isla markaana u baahan Feejignaan gaar ah si aanay ugu dhalan Cudurada faafa.

Masuulkani waxaa uu xusay in Meelaha ay soo eegeen ay ka mid yihiin Dhaamamka iyo iliiladaha Qashinka oo Dhibaato Caafimaad u leh Bulshada Xilliyada Gu’ga ee roobabka,taas darted waxaa uu Madaxan Fayo-dhowrka Gobolka Hargeisa uu talooyin u soo gudbiyay Qaybaha Bulshada,isagoo Xusay inaan laga Cabin Dhaamamka ay Fadhiistaan,waxaa kale oo uu ka dalbaday Dawlada hoose sidii ay qashinka ugu qaadi lahayd meelaha Biyo-Mareenada Magaalada Gudaheed ee Xidhmay.

SDN-Hargeysa

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed