Masuuliyiinta Duulista Hawada iyo Gaadiidka cirka oo Maanta laga sugayo inay Caddeeyaan Sababta Garoonku u Xidhan Yahay
Hargeysa:1-Sep-2013(SDN)-Waxa Maanta laga filayaa masuuliyiinta wasaaradda Duulista Hawada iyo Gaadiidka cirka oo uu ugu horreeyo wasiir Maxamuud Xaashi Cabdi, ayaa maanta laga sugayaa inay shacabka u iftiimiso sababaha ka dambeeya xidhnaanta Garoonka Caasimadda Hargeysa oo muddo bil dhaw ka hor madaxweynuhu xadhiga ka jaray.
Gegida Diyaaradaha Hargeysa oo ay ku baxday lacag adag oo dalku aad ugu baahnaa, ayaan wali shacabku si fiican u arkin wixii lagu qabtay lacagtaas, waxana wali xidhan garoonka oo warar iskhilaafsani ka soo baxayaan xidhnaantiisa.
Masuuliyiinta wasaaradda Duulista, ayaa hore u sheegay inuu garoonku shaqadiisa caadi u wato oo aanu xidhnayn, walise shacabku ma ay arkin wax shaqo ah oo ka socota garoonka, iyadoo waliba diyaaradihii waaweynaa ee loogu talo galay inay garoonka soo gadhiistaan wali sidoodii uga maqan yihiin, walina waxa jira shaki ah in Garoonka aan loogu Hagar bixin.
Wararka ay helayso shabakadda wararka ee Qurbejoog.com, ayaa sheegaya in wasiirku uu maanta shir jaraa’id oo uu ku faahfaahinayo waxa ku dhacay garoonkii waynaa ee lacagta badan loo huray, waxana si aad ah ugu dhegtaagay shacab badan oo Gudaha iyo dibaddaba ku nool oo arrintaasi dhib badan ku hayso.
Somalidiasporanews.com
Contact@somalidiasporanews.com