Mas’uuliyiinta Daladda Sonyo oo Shacabka Somaliland ku Hambalyeeyay Munaasibada Ciida
Hargaysa 06.July 2016 (SDN/QJ):- Guddoomiyaha Dalladda Ururada Dhallinyarada Somaliland ee SONYO Md. Siyaad Cumar Cali, Guddoomiye Ku Xigeenka SONYO Md. Cabdiqani Maxamuud Jiidhe, Dhammaan Xubnaha Golaha Sare ee SONYO, Agaasimaha Fulinta Dalladda SONYO Mudane Siciid Maxamed Axmed, Dhammaan isu-duwayaasha Gobolada Dalka ee SONYO, Dhammaan Shaqaalaha SONYO, Masuuliyiinta Ururada dhallinyarada Somaliland, Dhammaan Ardayda Dugsiyada Iyo Jaamacadaha Dalka iyo Guud ahaan Dhallinyarada reer Somaliland Gudo iyo Dibadba waxa ay Hambalyo iyo Bogaadinta Munaasibadda Ciidal Fidrida Hawada u marinayaa dhammaan Shacabka reer Somaliland, Masuuliyiinta Qaranka iyo Guud ahaan Dhallinyarada Somaliland iyaga oo ku hambalyeynaya Munaasabadda Ciidda Soon-fur. Guddoomiyaha iyo Guud ahaan Masuuliyiinta SONYO waxa ay dalka iyo dadkaba ugu ducaynayaan in uu sannadka sannadkiisa innagu gaaadhsiiyo Cibaado suubban iyo camal wanaagsan, Horumar Qaranimo, guud ahaan Jamhuuriyadda Somaliland-na bash bash iyo barwaaqo tii ku gaadha Himilooyinkeeda qaranimo.