|

Mas’uuliyiinta Axsaabta Qaranka Oo Ka Hadley Dareenkooda Ku Dhawaaqista Tirada Codbiyeyaasha Doorashooyinka Dalka

Hargaysa 28. March 2017 (SDN/QJ):- Xisbiyada Qaranka Somaliland oo maatna goob joog ka ahaa goobtii lagu soo bandhigayey tirada dadkii isku diwaan geliyey Doorashooyinka Somaliladn ayaa waxa ay ka hadleen dareenkooda iyo sida ay arrintaasi u arkaan.

Ugu horreyn ayaa waxaa mikirifoonka qabsadey oo ka hadley xog-haye ku xigeenka guud ee xisbiga Mucaaridka ah ee UCID oo halkaasi ka hadlay ayaa u mahadnaqay Gudida Doorashooyin.Waxaana uu yidhi

 

“Aad iyo aad ayaan komishanka ugu mahad-naqaynaa diyaar garowga fiican waanan ku hambalayeynayaa, waanan mu guubaabinaynaa hawshaa baaxada leh ee ku sooo foo leh inuu illahay la qabto,”Ayuu yidhi C/naasir Qodax

 

Dhanka kale Xisbiga Muxaafidka ah ee Kulmiye Afhayeenkiisa Xasan gaafaadhi oo isna goobtaasi ka hadley ayaa waxa uu ka Hadley dareenka xisbigooda ee ku saabsan soo bandhigida diwaan gelinta cod bixiyayaasha Doorashada Somaliland waxaanu yidhi.”Waxaan ku hambaylyeynayaa guddida doorashooyinka qaranka jadwalkan quruxda badan ee ay soo jeediyeen ee iskugu jira kaadh qaybinta kuna siman ilaa iyo muddda maalinta ay doorashadu dhacayso, shaqo weyn ayaa dhacday waxaan illaahay ka rajaynaynaa inuu sida uu qorshu yahay ay u dhacdo.”Ayuu yidhi Xassan Gaafaadhi.

 

Ugu Dambeyntii ayaa waxa isna halkaasi ka haddlay Xoghayaha Guud ee xisbiga mucaaradja ah ee WADDANI Maxamed Cabdilllaahi Uur-cade, Isagoo soo dhaweeyey ka xisbi ahaan dhawaaqa ka soo yeedhay Komishanka doorashooyinka qaranka Somaliland,waxaana uu yidhi”Doorashooyinkii iyo diiwaangelintii iyo wakhtigoodii ay komishanku cayimeen, in kastoo ay horeba u cayimeen, maanta waxaan rajaynayaa in ay tani noqoto tii runta ahayd ee lagu shaqaynayey.”Ayuu yidhi Xoghayaha Xisbiga WADDANI Maxamed C/laahi Uur-cade.

Comments are closed