Masuuliyiinta Amniga Somalia Oo Awaamiir Culus Kusoo Rogay Dadka Gaadiidkooda Kireeya
Muqdisho:Dec,12,2014(SDN/QJ)-Masuuliyiinta ugu sarraysa Wasaaradda Amngia qaranka Somalia, ayaa awaamiir culus kusoo rogay dadka iyo shirkadaha Gaadiidkooda sii koreeya.
Masuuliyiinta wasaaradda Amnigu waxay sheegeen inaan wax gaadiid ah la kirayn Karin ka hor inta aan ogaysiis la siinin Wasaarada amniga si wax looga ogaado dadka gawaadhida laga kiraynayo.
Afhayeenka Wasaarada Amniga Qaranka Maxamed Yuusuf Cismaan oo shalay shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho, ayaa waxa uu sheegay in lagama maarmaan ay tahay, in laamaha amniga lagu soo wargeliyo dadka ay gawaadhida ka kiraynayo.
Afhayeenka, ayaa wuxuu tani sabab uga dhigay iyadoo ay jiraan weeraro Magaalada Muqdiso looga geystay gawaadhidaasi, markii baadhitaano lagu sameeyayna la ogaaday inay lee yihiin, dad aan khatar ku ahayn ammaanka, balse waxa weerarada ku geystay ay Shabaabka yihiin, markii ay soo kiraysteen.
Sidaasi daraadeed, ayuu sheegay inay khasab tahay in hay’adaha amniga qaabilsan lagu soo wargeliyo, shakhsiyaadka laga kiraynaayo gawaadhida, iyadoo lagu xaqiijinaayo ammaanka Magaalada Muqdisho, sida uu yidhi.
Sidoo kale wuxuu sheegay in hay’adaha dalka ka hawlgala sida NG0-yada, kolka gawaadhida laga kiraynaayo lagu soo wargeliyo hay’adaha ammaanka, si looga hortaggo weeraro looga fuliyo Magaalada Muqdisho.
Dhanka kale Maxamed Yuusuf, ayaa xusay inaanu ujeedkoodu ahayn inay culeys ku soo rogaan shirkadaha iyo shakhsiyaadka kale ee gawaarida kireeya, laakiin ay tallaabadan ku doonayaan inay ku adkeeyaan ammaanka Caasimada.
Hadalka ka soo yeedhay Maxamed Yuusuf waxa uu ku soo aadayaa, xilli falalka ammaanka ka baxsan ee ka dhacaaya Magaalada Muqdisho, ay Dowladdu rumeysan tahay inay qayb ka yihiin dad aan ahayn Shabaabka.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com