Mas’uuliyiin katirsan Ahlu sunna oo fagaare ku yaalo Dhuusa Mareeb kula hadlay dadka deegaankaasi
Dhuusamareeb June 09,2015(SDN/QJ)-Maalin kadib markii Ciidamada Ahlu sunna waljameeca garab kamid ah uu la wareegay Gacan ku heynta Magaalada madaxda gobolada dhexe ee Dhuusa mareeb ayaa maanta waxa goob fagaare ah dadka degmadaasi kula hadlay mas’uuliyiin katirsan Ahlu Sunna.
Mas’uuliyiintaasi waxaa kamid ahaa gudoomiyaha Degmada Dhuusa mareeb ugu magacaaban degmadaasi iyo saraakiil hogaamineysay Ciidamada la wareegay degmadaasi.
Xubnaha ka hadlay Dhuusa Mareeb ee katirsan mid kamid ah garabyada maamulka Ahlu Sunna ayaa dadka Degmada ugu baaqay in ay is dajiyaan iyadoona ku hanjabay In ay talaabo ka qaadi doonaan xubnaha katirsan dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo dad ay ku sheegeen in ay dhac ka geysanayaan Degmada Dhuusa Mareeb.
Waa markii ugu horeysay oo mas’uuliyiin katirsan Ahlu sunna goob fagaare ah ay kala hadlaan dadka degmadaasi tan iyo markii ay maalin kahor ay si nabad galyo ah kula wareegeen magaaladaasi.
Majiro wax war ah oo kasoo Baxay mas’uuliyiinta dowladda ee degmadasi iyadoona ay xusid mudan tahay in aynu la xiriirnay mas’uuliyiinta Dhuusa Mareeb si aynu wax ugu weydiino mas’uuliyiinta ahlu sunna ee Magaalo madaxda G/Galgaduud ee qudbada ka jeediyey.
SDN/QJ-Dhuusamareeb