|

Mas’uuliyiin ka Tirsan Golayaasha Qaranka oo Hargaysa ku Soo laabtay Maanta

Hargaysa 07.Feb 2014 (SDN)- Mas’uuliyiin kala duwan oo ka tirsan dawladda JSL ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay ka dib markii ay kulamo kala duwan kaga qayb galeen wadamada deriska qaarkood.

Madaarka-2Gudoomiyaha golaha wakiilada ee JSL Md Cabdiraxmaan Maxamed cabdilaahi (Cirro)  oo socdaal hawleed ugu maqnaa dalka aynu jaarka nahay ee Itoobiya ayaa maanta dalka ku soo laabtay, sidoo kalena wasiirka wasaaradda boosaha iyo iyo isgaadhsiinta ee jamhuuriyadda Somaliland ayaa maanta ku soo noqday dalka ka dib markii uu safar qaatay mudo kooban ku tegay dalka aynu deriska nahay ee jabuuti.

Dhanka kalena Wasiir ku xigeenka Amniga ee wasaaradda Arimaha gudaha Md  Cabdilaahi Abokor Cismaan oo shir lagaga hadlayey arimaha ammaanka iyo la dagaalanka budhcad-badeeda kaga qayb galay dalka Jabbuuti ayaa maanta dib ugu soo laabtay dalka isagoo ka warbixiyey waxyaabihii kulanakasi lagaga wada hadlay iyo kaalinta ay ka qaadatay JSL.

Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com

 

Comments are closed