Mas’uuliyiin ka tirsan Dowlada Somalia oo soo arkay Godad dhaadheer oo Kenya ay ka qoday Xadka SAWIRO
Balad Xaawo 20.Nov 2015 (SDN/QJ):-Wasiiro iyo Xiildhibaano katirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa kormeer iyo indho indheyn waxa ay ku tageen Xadka ay Wadaagaan Dalalka Soomaaliya iyo Kenya , gaar ahaan dhinaca Degmada Balad Xaawo.
Wafdiga Dowlada ee tagay Degmada Baladxaawo ayaa waxaa higaaminayay Wasiirka Difaaca Soomaaliya Mudane Cabdiqaadir Sheekh Cali Diini, waxaana Xubnaha wafdigan ay ka koobnaayeen Guddiyada Baarlamaanka ee Difaaca, Arrimaha Dibedda, Arrimaha Gudaha iyo Guddigga Madaxa bannaan ee Xuduudaha iyo Federaalka saraakiil iyo Khubaro, xubno ka socday Maamulka Jubbaland.
Masuuliyiintan ay Dowlada Soomaaliya ayaa u kuur geliyey xaaladda dhabta ah ee ka jirta deegaanka iyo Cabashooyin ka soo yeeray shacabka degan magaalada Beled-Xaawo oo ku aadanaa in Dowlada Kenya ay Xadka Soomaaliya kusoo xad gudubtay.
Wafdigan Dowlada Soomaaliya ay dirtay ayaa soo arkay booqasho ku tagay Xadka, waxa ayna goobaha qaar ay kusoo arkeen Godad dhaa dheer ay Ciidamada Dowlada Kenya ka qodeen Dhinaca Xadka Soomaaliya iyo Kenya wadaagaan.
Wafdiga ayaa qiimeyntooda kadib waxa ay soo saareen Qodobadan
1. In derbi la dhisay noo muuqan
2. In aanu noo muuqan Calaamad xuduudeed la beddelay
3. In la qoday god aan ku qiyaasnay 1.6 m oo dhinaca Kenya ku yaal oo u jira 6m calaamadda xuduudda noo ah godkaas oo dherer kiisu yahay ilaa 700m 4. Waxaan Buulo Xaawo dusheeda ku aragnay waddo la xaaray oo baldoozes la mariyey .