Masuuliyiin booqday goobo laga saaray Daacish dhawaan
Bosaaso (QJ) – Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Puntland ayaa booqday tuulooyin iyo deegaano ka tirsan gobolka Bari, iyagoo kulamo muhiim ah la qaatay bulshada deegaanka.
Ciidamada ayaa si gaar ah u booqday deegaanka Timirshe oo dhawaan laga saaray kooxda Daacish. Saraakiisha ayaa ku booriyay bulshada inay la shaqeeyaan ciidamada ammaanka si loo ilaaliyo nabadda iyo xasiloonida, iyagoo carabka ku adkeeyay in dadka deegaanka ay muddo dheer ku hoos noolaayeen xukunka Daacish, haatanna loo baahan yahay inay si dhow ula shaqeeyaan dowladda.
Sidoo kale, mas’uuliyiinta Puntland ayaa ballan-qaaday mashaariic horumarineed iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha ee goobaha laga sifeeyay Daacish. Waxa ay xaqiijiyeen sida ay uga go’an tahay maamulka in ay ka taageeraan dadka deegaanka dib u dhiska adeegyada muhiimka ah iyo hab-nololeedyada.
Saraakiisha ayaa sidoo kale xusay in madaxda ugu sareysa Puntland ay dhawaan tagi doonaan deegaanadan la xoreeyay. Puntland ayaa dhawaan qaaday weerar xooggan oo ka dhan ah Daacish, iyadoo ku guuleysatay inay soo ceshato deegaano dhowr ah oo muhiim ah oo ka tirsan gobolka Bari.