|

Mas’uuliyada Dilkii Wasiirkii Howlaha Guud ee Somalia Oo Lagu Eedeeyay Inay Ku Lug Lahayd Xukuumada Madaxweyne Farmaajo

Muqdisho 08. May 2017 (SDN/QJ):- Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo kamid ah Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya sidoo kale xubin ka ah guddiga arrimaha gudaha iyo amniga ee baarlamaanka ayaa masuuliyada dilka Wsaiirkii howlaha Guud ku eedeeyay Xukuumada Soomaaliya.

Waxa uu sheegay Xildhibaan Jeesow in xukuumadda Soomaaliya ay qaadaneyso masuuliyada dilka Wasiir Cabaas Cabdulaahi Sheekh Siraaji ,wuxuuna tilmaamay in xukuumaddu ay dayacday kana taxadarin ammaan .

 

Xildhibaan Daahir Amniin Jeesow ayaa dhinaca kale sharci daro ku tilmaamay xil ka qaadistii lagu sameeyay Hanti Dhowraha Qaranka Dr Nuur Faarax Jimcaale oo lagu eedeeyay in ilaaladiisa ka dambeeyeen dilka Wasiir Siraaji.

 

Daahir Jeesow ayaa sheegay in Dastuur ahaan ay qalad tahay in golaha wasiirradu ay xilka ka qaadaan hanti dhowraha qaranka, waxa uuna Xusay in Xukuumada Soomaaliya ay kamid tahay hay’adaha uu la xisaabtamayo ee fulinta.

 

Xildhibaanka ayaa sheegay in ay jiraan qodobo dhoor ah uu Hanti dhowraha xilkiisa ku weyn karo balse uusan garaneyn wali sababta Wasiiro xilka uga qaadeen Hanti dhowtaha, waxa uu cadeeyay in Hanti dhowraha markii hore digreeto Madaxweyne lagu soo magacaabay ayna ansixiyeen Baarlamaanka.

 

Hadalka Xildhibaan Jeesow oo lagu tiriyo in uu mucaarad ku yahay dowlada cusub ayaa imaanaya xili xilka laga qaaday Hanti Dhowrihii Qaranka Dr NUur Faarax, waxaana xil ka qaadista golaha Wsaiirada ku sameeyeen Hanti dhowraha aqbalay Madaxweyne Farmaajo.

Comments are closed