|

Masuuliyad Darrada Haysta Wasaarada Warfaafinta Somaliland iyo Xukumada Siilaanyo Iyo Wariye Siciid Faarax Cagjar Oo Ka mida Wasaarada Warfaafinta Somaliland Oo Mudo Dhan Laba Todobaad Iyo Badh Xaalad Caafimaad Daro U Jiifa Cusbitaalka Adna Hospital Ee Magaalada Hargeysa

siciid

Hargeisa 15/2/2015(SDN/QJ)Wariye siciid faarax cagjar oo kamida ahaa saxafiyiintii ka hawl gali jirtay idacaadii radio horyaal ee ku hadli jirtay afka xisbiga kulmiye haatan ka tirsan wargeysaka dawan media group ee kusoo baxa afka dawlada somailand ayaa mudo dhan laba todobaad iyo badh u jiifa xalad caafimaad daro cusbitaalka adna adan hospital ee magaalada hargeysa.

Wariyahan oo kamid ahaa balaashi ay ku duuli jirtay idaacadii radio horyaal xiligii ay ku hadli jirtay afka xisbiga kulmiye iminkana ka mid ah suxufiyiintii ugu cad cadaa wargeysa dawan ee kusoo baxa afka dawlad Somaliland ayaa ay xaladiisa caafimaad aad u liidataa iyadoona ugu horayn la dhigay cusbitaalka wayn ee magaalada hargeysa balse laga qaaday kadibmarkii ay dhakhaatiirta ka shaqaysa cusbitaalka ay waxba ka qaban kari waayeen wariyha xaaladisa caafimaad, sidoo kalena Dhakhtarkan wayn ee magaalada Hargeysa ayaa isagu ay ka hawl galaan shaqaale aan khibrad buuxda u lahayn qaliinka iyo adeega caafimaad ee ay u baahan yihiin buukaan jiifka ku sugan dhakhtarkaasi, basle sheegta kuna af bogaadsada inay yihiin dakhaatiir, tana waxa cadayn u ah in dadka bukaan jiifka ah ee ku sugan dhakhtarka ee u baahan adeeg caafimaad oo dag dag ah ama looqoray qaliin ay marka hore ku sameeyaan dhakhaaiirtu qaliin tijaabo ah oo ay ku eegayaan in ay wax ka qaban karaan xalada caafimaad ee qofkaasi sidii wariye siciid faarax cag jar oo kale oo markii hore ay yidhaahden waxbaan ka qaban karnaa xaladiisa caafimaad balse markii ay ku sameeyeen qaliinkan tijaabada ah kana qalayeen qabsin kusoo booday wariyaha mudo laga joogo laba sano iyo dheeraad ay yidhaahdeen waxba kama qaban karno ee si dag dag ah haloo geeyo dhakhtar dibada ah kuna guul daraystay waxka qabashada xalada caafimaad ee wariye siciid faax cagjar. Tana waxay dhabar jab wayn ku tahay bulshada kala duwan ee Somaliland ee loo balan qaaday in loo kaabi doono adeega caafimaadka xiligii ay xukuumada haatan talada dalka haysaa ay ku guda jirtay olalha doorashada ee jagada madaxtinimada balse markii uu ku guulaystay madaxwayanaha haatan talada dalka hayaa axmed maxamed maxamuud siilaanyo uu halkaasi ku ilaaway balanqaadyadii ay ubalan qaadey umada rer Somaliland ee ay kaw ka tahay adeega caafimaad

Hadaba wariye siciid farax cagjar ayaa ay xanuunkan kusoo booday wariyaha uu la xidhiida kadib markii mudo laga joogo ku dhawad laba sano iyo dheeraad laga qalay qabsin laguna qalay cusbitaalka wayn ee magaalada hargeysa

, waxaana dhakhaatiirta iyagu kuhawlan wax ka qabashada xalada caafimaad ee wariyaha oo ad u liidata ay kula talliyeen eheladiisa in loo qaado dalka dabadiisa si wax loogu qabto wariyahan xaladiisa caafimad balse waxa nasiib daro ah wax lala yaabana ah Marnabana aan laga filayn masuuliyiinta kala duwan ee wasaarada warfaafinta Somaliland uu hormuudka ka yahay wasiirka warfaafintu maxamed daahir cukuse iyo agaasimaha guud ee wasaarada warfaafinta Maxamed Ilka Case gudoomiyaha wargeysa dawan ee uu wariyahani ka hawl galo Maxamed Cismaan Mirre Sayid oo aan iyagu kaso baxin kaalintooda kaga aadan wax ka qabashada xalada caafimaad ee wariyaha oo u baahan in si dag dag ah wax loogu qabto masuuliyadna ay ka saarnayd xalada caafimaad ee wariyaha balse gabay, garana waayay sidoo kalena baal maray xaquuqda ay ku leeyihiin shaqaalaha wasaaradu, waxanaa sidoo kale aanay masuuliyiintani kazoo agwareegin soona eegin xataa booqashana aanay ugu imaan wariye siciid faraax cagjar oo ka tirsan wasaarada warfaafinta Somaliland ee mudada labada todobaad iyo dheraadka ah u jiifa xalad caafimaad daro cusbitaalka adna hospital ee magaalada hargeysa. Sidoo kale waxa loo gudbiyay xalada uu ku sugan yahay wariyuhu si ay wax ula qabtaan qaaar kamida wasiirada xukuumada siilaanyo kuwaasi oo iyana aan ilaa haaatan wax jawaaba laga hayn aadna moodo inay dhagaha ka furaysteen indhahana ka laliyeen xalada uu ku sugan yahay wariyuhu ee loo sheegay sidoo kalena aan soo eegin balse waxa la baxaa dagay kuna kaliyaystay xaladan wariye siciid faarax cagjar qoyska uu kasoo jeedo oo kaliya kuwaasi oo u dhabar adaygay xalad kaste oo uu ku sugan yahay wariye siciid faraax cagjar sidoo kalena waxa iyana xusid mudan oo aan marnaba la ilawayn warbaahinta Somaliland gaar ahaana wariyayaasha magaalada hargeisa oo iyagu aan marnaba ka qoob qaadin kana caajisin lasocoshada xaalada uu ku sugan yahay wariyuhu sidoo kalena ay kuwa kale ee goboladuna ee anay u suurto galin inay so eegaan wariyahana ay khadka telephone-ka ay kala socon jireen xalada uu markaaba ku sugan yahay wariye siciid faarax cagjar.

Hadaba masuuliyiinta kala duwan ee wasaarada warfaafinta iyo wacyi galinta Somaliland ooh or kacaayo wasiirka wasaarada maxamed daahir cukuse gudoomiyaha wargeyska dawan maxamed cismaan mire xukuumada haatan talada dalka haysa ee hor muudka ka yahay axmed siilaanyo iyo waliba wasiirada iyaga lala soo socodsiiyay xalada uu ku sugan yahay wariye siciid farax o kamida wasaarada warfaafinta ayaa iyagu noqday kuwa ka dhago adaygay indhahana ka laliyay inay wax u qabtaan wariyahan xaaladiisa caafimaad ad u liidato isla markaana u bahan in si dag dag ah wax logu qabto sidoo kale waxay gabeen waaajibkii iyo masuuliyadii ka saarnayd shaqaalaha dawlada iyagoona kaga mashquulay danahooda gaarka ah waxaana ilaa haatan aan la garanayn xiliga ay masuuliyiintani garanayaan xaquuqda ay ku leeyihiin wariyayasha iyo shaqaalaha dawladu waxna u qaban doonaan wariye siicid faarx cagjar oo ay xaladiisa caafimaad aad u liidato

 

 

Comments are closed