Masuul Raad-barad ah Oo Ku Haftay Jawaab Lagu Amray Inuu Siiyo Mujaahid Halgamaa ah
Hargeysa:16-Sep-2013(SDN)-Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda warfaafinta Dhaqanka iyo wacyigelinta Somaliland Cabdiwaaxi Cabdiqaadir Cabdiraxmaan, ayaa jawaab qadaf ah oo aan afkiisa ku Habboonayn siiyey Mujaahid Xasan Guure Jaamac oo Dalka magac iyo maamus ballaadhan ku leh.
Cabdiwaaxid oo ah shakhsi haatan uun gaadaalada siyaasadda Baranaya, islamarkaana aan awood muuqata ku lahayn mansabka uu xukuumaddan ka hayo, ayaa u soo biyeystay inuu ka dhex muuqdo xukuumaddan oo xubnaheedu ku dallacaan cayda iyo aflegaadadda cidda xukuumadda Naqdida.
Masuulkan ka tirsan wasaaradda war-faafinta, ayaa maalintii shalay mar uu la hadlayey Telfishanka qaranka ee xukuumaddu maamusho xaasidnimo iyo xaqiraad uu mujaahidka kala masuugayo martabadda mujaahidnimada ee uu ku faanno, ayaa ku tilmaamay Oday reer Hargeysa ah, waxana uu yidhi, “waxa maanta(shalay) hadal jeediyey Oday Xasan Guure oo ka hadlay madaxweynaha Safarkiisa oo sheegay in dalkii dawladdu ka wada maqan tahay oo madaxweynihii maqan yahay, ku-xigeenkii maqan yahay wasiirkii daakhiliguna maqan yahay.”
Sidoo kale waxa uu masuulkan ka tirsan wasaaradda warfaafintu mujaahidka weyn ee xasan guure Jaamac ku macneeyey nin u haysta inay Burco tahay meel dibadda ka ah Somaliland, isagoo aqoon-darro ba’ani ka hayso maamuuska uu mujaahidkani ku leeyahay Deegaanada Somaliland oo ay Burco ugu horrayso, waxana uu yidhi, “ Xasan malaa waxa uu Burco u haystaa meel dibadda ka ah Somaliland, madaxaweynuhu Haddii uu doono lix Bilood buu joogayaa Burco”
Wasiir-ku-xigeenka wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo wacyigelinta Somaliland cabdiwaaxid cabdiqaadir oo aan lagu aqoon inuu cid u jawaabo, ayaa haatan u muuqday mid laga dhex hadlayey oo amar lagu siiyey inuu u jawaabo mujaahidiinta dalkan ee xukuumaddu ka diddo talooyinkooda.
Sidoo kale waxa uu indho la’aan ku difaacay masuuliyiinta iyo wasiirrada daba yaacay madaxweynaha iyagoo aanay wax hawl ahi uga bannaanayn goobaha uu waftigu u ambabaxayo, iyagoo qaarkood albaabada u soo laabeen xafiisyadii ay umadda uga shaqaynayeen, waxana uu ku tilmaamay kuwo macno u samaynaya safarka madaxweynaha.
Cabdiwaaxid ayaa sidoo kale aqoon-darro darteed ku tilmaamay dhagax dhig uu sheegay inuu madaxweynuhu ku samaynayo Waddada Burco iyo Ceerigaabo dhamaystirka Ballanqaadkii Kulmiye, waxana uu Hadalkiisa u dhigay sidii ay waddadii dhamaatay oo kale, isagoo dhagax dhigga ka dhigax meel la dhigay ku sheegay ballan-qaad fulay, waxana la hubaa inay jiraan dhagaxaan badan oo uu madaxweynuhu meelo dhigay balse aan shaqo dambe lagu darsan.
Cabdiwaaxid oo aan wax badan ka aqoon taariikhdii Halganka ee dalkan, ayaa la hubaa inuu ku hafan doono jawaabta lagu amray inuu siiyo Mujaahidiinta dalka ugu waaweyn, waxana Haatan laga sugayaa jawaabta ay Hadalkiisa ka bixin doonaan mujaahidiintii dalkan dhibaatada badan kala soo dabbaashay.
Somalidiasporanews.com