|

Masuul Ka Tirsanaa Murashaxiinta Xisbiga KULMIYE Oo Tanaasulay

Maareeyaha Waddooyinka Oo Ka Tanaasulay Murashaxnimaddii Madaxweyne Ku Xigeenka Kulmiye

Hargeysa,9Nov,2015(QJ/SDN)- War-saxafadeed: Mareeyaha guud Wakaladda Hormarinta Wadooyinka Somaliland Prof.Hassan Ali Osman  wuxu bulshada u cadaynayaaa  marku arkay hawlaha balaadhan ee aan  masuul uga ahay  ummadd  ee dhinaca wadooyinka uu  gartay inuu  dib u dhigta hankiis musharaxnimo ee tartanka madaxweyne ku xigeenka xisbiga kulmiye isagoo eegaya danta qaranka ee u baahan dadaal iyo daacnimo.

Mareeyahu waa masuulki u horayey ee lahaan bilaabada wadooyinka iyagoo lala kaashanayo bulshada waa masuul ku suntan dacadnimo karti dadaal dheer hami fog oo doonayo inuu dalka ka hormariyo dhinaca wadooyinka oo baahi u qabo isku xidhkooda oo wax badana u sahalaya isu socodka bulshada dhinaca dhaqaalaha amaan maalgalinta dalka.

Mareeyaha Wakaladda Hormarinta Wadooyinka Somaliland” Waxan mar labaad u cadaynayaa bulshada Somaliland gudaha iyo dibeda  inaan cidna u tanaasulin ee hankaygii sidi yahay markaan arka duurufta taala dalka aan go’aansaday inay ula noqotay inaan hakiyo tartanka musharax madaxweyn ku xigeen oo aniga iga yimid go’aanku markii hore cidna dabada iga wadin.

Waxan maqlay  in baraha ay bulshada ku xiidhiidho  la soo dhigay inaan cid uga tanaasulay waxan leeyaha wax alaale wax ka jira ma jiro arinta iyad ah hankaygii ayaan dib u dhigtay iyado aan eegayo danta umadda Somaliland ee rabta inan si dacadnimo ah ug sii adeego shaqada lay igmada.

 

Waa bilaahi tawfiiqa      

Prof. Hassan Ali Osman  Mareeyaha Wakaaladda Hormarinta Waddooyinka Somaliland

 

Comments are closed