|

Masuul Ka Tirsan Xukuumadda Oo Lacag Ku Kharash Gareeyay Odayaal Reer Saaxil Ah Oo Xukuumadda Ugu Goodiyay In Dagaal Beeleed Ka Dhici Doono Haddii Diiwaangalin La Geeyo Lix Goob Oo Woqooyiga Hargeysa Kuyaala

Hargaysa 19.July 2016 (SDN/QJ):- Odayaal uu soo ururiyay Masuul Xukuumadda ka tirsani ayaa ka soo horjeestay Qorshe bisil oo ay Xukuumaddu u diyaarisay in Xuquuqdooda Qofnimo ay u celiso dadka degan Lix Goobood oo Woqooyiga Hargeysa kuyaal,kuwaasi oo hore u Waayay Diwaangalinta Dalka intiisa kale ka qabsoontay,waxaana ay Odayaashani ku goodiyeen Xukuumadda in haddii Sanaaduuq halkaasi la geeyo uu dagaal Beeleed ka dhici doono.

 

Illo-Wareedyo Wargeyska Foore helay ayaa noo Xaqiijiyay in Odayaashaasi uu soo abuubulay islamarkaana uu ka dambeeyay Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Cali Maxamed Cilmi,waxaana ay Odayaashaasi si toos ah u qaadaceen Qorshe Bisil oo fulin sugaya oo Wasaaradda Arimaha Gudaha Somaliland iyo Oday dhaqameedka Woqooyiga Hargeysa ay iskula afgarteen in Dadka degan Lix goobood oo Woqooyiga Hargeysa kuyaala oo hore u xayirnaa Diwaangalin aan gobolka ku abtirsan la gaadhsiiyo,waxa ay odayashani ku Goodiyeen Xukuumadda iyo Cidkasta oo hawshaasi faraha kula jirta in rabshadi ka dhici doonto haddii Diwaangalin la geeyo.
Dhawaaqa odayadani ayaa nuxurkoodu ku qotomay in Halkaasi dadka degani ay u diwaangashan yihiin Goboladda Saaxil iyo Awdal islamarkaana wakhtigii goobahaasi la xayiray in dadka degan loo daad gureeyay Goboladaasi,waxaana hadaladoodii ka mid ahaa “Waxaanu maqalnay oo warku nagu soo gaadhay Xeebtii Diwaalintu ka dhacday ee dadkii deganaa hore loogu daad gureeyay Gobolada Saaxil iyo Awdal ayaa diwaangalin laga bilaabayaa, Waxaanu leenahay Meeshaasi Waar Nabadgalyo ayaa foodka lagu galay oo diwaangalintii lagu galay,Rabshad yaan lagu abuurin,dadka la diwaangalinayo xageed laga keenayaa illayn Umaddii joogtay waatii Laba dhinac loo kala raraye,Wasiirka Daakhiliga waxaanu leenahay,Waar Nabadgalyada adiga ayaa u xilsaaran,Waar nabadgalyada illaali”.

 

Waxa ay sheegeen oo kale in Dadka halkaasi dega hore loogu kala daray Goboladda Salal,Awdal iyo Saaxil iyadoo aan la ogayn meel heshiiskaasi ka dhacay iyo qorshahaasi wakhtiga la gaadhay ee ay Xukuumadda ku wada galeen.
Waa markii u horaysay ee uu shir noocan oo kale oo lagaga soo horjeedo Qadiyad ay Xukuumaddu wado uu soo abaabulo Masuul xil wasiir Xigeen ka haya Xukuumadda,lamana oga inay Xukuumaddu ka warhayso. Xukuumadda Somaliland ayaa wakhti badan ku bixisay inay daboosho qaylo dhaan xoogleh oo kaga imanaysay Dadka Lixdaasi goobood ee Woqooyiga Hargeysa dega oo xayiraadi ka saarnayd Diwaangalinta balse waxa aakhirkii ay Xukuumaddu qorshaysay in Dadkaasi Xuquuqdoodii dastuuriga ahayd la siiyo oo la diwaangliyo,iyadoo cododkooda laga Madax banaanaynayo Gobolada ku muransan dhulkaasi.

Comments are closed