|

Maskaxda Wanaagsan Iyo Guusha!. W/Q: Cabdirisaaq Jaamac Maxamuud (Cabdirisaaq Guuleed)

11774357_952732891436560_544310563_n Ugu horayn waxaan u mahad celinayaa akhiristayaasha ku xidhan maqaaladan waxaanan leeyahay wax akhrisku waa muhiim waana barta aad ka kasban karto waxbarsho aan cidi ku barrin ama macalin la’aan ah

Waxaynu ogsoonahay fikir kasta iyo waliba wax walba oo aynu qabanayno waxaa uu ka bilaabma maskadeena

Haddaba maskaxdu waa maxay ? maskaxdu waa injiinka labbad ee jidhkena waayo wadnaha ama qalbiga ayaa ah injinka kowad ee ibnu aadamka hadii aanu wadne ama qalbi jirin inaguna maynaan jirneen sidoo kale hadii ayna jirteen maskaxi nolosheenu may suurto gasheen waayo maynaan qabsaneen shaqo , maynaan aadneen(tagneen) iskool ama jaamacad,maynaan wax akhrisanen .

Hadaba maskaxdaada u sheeg ,furna ,kuna dhiirigali in ay wax walba qaban karto waliba sida ugu fiican ay u qaban karto.

Waxaynu ogsoonahay jidhkeenu waxa uu u baahanyahay cunto fiican oo dheeli tiran si uu u sameeyo koritaan sidoo kale maskaxdeenu waxay u baahntahay afkaar fiican oo ay ku korto, maskaxdaada ku dhiri gali in ay hawlaha adag qaban karayso, u sheeg in aad sida ugu fiican u qaban karaysid,  maskaxdu waa nolosha asaaskeeda hadii aynaa maskax jirin lama sameeyen  guryaha quruxda badan ,lama tartameen,waxna lama curiyeen .

Haddaba maskaxdeenu waxay inooga baahantahay in la koriyo lana daryeelo si ay guul badan oo aynu ku taamayno inoogu soo hooyso bal ila eeg labadan qodob….

(1). Maskaxdaada nafaqe oo qoy waxaad ku nafaqaynaysaa waa khudaarta kala duwan iyo waxyaabaha kale ee maskaxda u ah nafaqo .

(2). Kori maskaxda waxaanad ku korinysaa wax akhris  waayo halka uu jimicsigu ugu jiro jidhka ayaa wax akhriskuna ugu jiraa maskaxda , sidoo kale guusha aynu raadinaynaa waxay waxay ka bilaabmataa maskaxda.  Jeff Keller ayaa waxa uu yidhi:-(“guushu waa dhacdo ka bilaabmata maskaxda”)  sidoo kale Dr:joyce wuxuu yidhi  “guushu waa xaalada maskaxdu ku sugantahay,hadii aad doonayso in aad guulaysato ka soo qaad naftaada adigoo guulaysay”)

Maxamed ibraahim warsame hadraawi waa kii lahaa :-

“intuu maanku gaajaysan yahay guuli waa wali “

Garwaaqsiga iyo aaminaada  shakhsiyadeeed waa albaabka guusha , inta aaad maskaxdaada iyo awoodaada ka isticmaashid ayaay guushaadu ku xidhantahay

Hadii aad garawsato maskxadaada iyo awoodaada, haddii aad maskaxdaada iyo awoodaada isticmaasho waa la hubba inaad ku biiraysid kuwa guulaysta

Waa kii maxamed Ibrahim warsame hadraawi lahaa:-

“naftaada hankeeda

Waxay hibanayso

Hadii wadku daaayo

In ay heli doonto

Anna huba taas “

Waxaad ogaata xaqiiqsataana in waxa maankaaga iyo maskaxdaada ka dhex guuxaya ayuunabad ka rumaynaysaa guushuna waa taa,s kobcnita maskxadu waa lama huran waa kii hadraawi lahaa:-

“muuqalka guudkiyo

Maryahaad sidatiyo

Ha ku daalin muunada

Cunto malafsigeediyo

Macmacaanka cabidiyo

Ha ku daalin macidaada

Caqliga iyo maankiyo

Maskaxda kobcinteediyo

Ha ilaabin ma huraanka “

Kolba intuu maskaxdada,maankaaga iyo dadaalkaagu yahay uunbay sarantaada ama guushaadu noqotaaye waaa kii lahaa al mutabani:-“kolba into dadaalkagu yahay uunbay sarayntaadu noqotaaye ,ninka sarayn doona habeenu soo jeedaye ,ninka sarayn doonaasagoon dadaalin waqtiga wuxu ku lumiyaa waxaan suuragal ahayne”

Maahmaah ayaa ahayd waxba maskax ha isticmaalin ,waxba ha qaban,waxba helimaysid,waxbana noqonmaysid

haddaba waxa inala gudboon in aynu adeegsano maskaxdeena ugana shaqaysiino sida ugu fiican si ay guulo inoogu soo hoyso ,xalna u hesho dhibaatooyinka taaggan

wa billahi tawfiiq

W/Q: Cabdirisaaq Jaamac Maxamuud (Cabdirisaaq Guuleed)

Abdirizakguleid@hotmail.com

Hargeisa,Somaliland

Comments are closed