|

Masiixiyiinta Nigeria oo ku goodiyay in ay isdifaacayaan

Mubi Jan 08,2012(qurbejoog.com)-Masiixiyiinta dalka Nigeria ayaa sheegay in aaney u dulqaadan doonin in lagu weeraro goobaha ay ku cibaadeystaan ka dib kolkii dhawaan laga la’aayay dad fara badan oo la birtilmaansaday iyaga oo cibaadeysanaya.

Koox hubeysan ayaa magaalada Mubi ku dishay 17 ruux oo masiixiyiin ahaa oo cibaadeysanayay.

Madaxa masiixiyiinta Nigeria Ayo Oritsejafor ayaa maanta saxaafada u sheegay in ay iminka wixi ka danbeeya ay isdifaaci doonaan.

“Waxaanu xaq u leenahay in aanu isdifaacno iminka wixii ka danbeeya,waxaanu qaadi doonaa tilaabo walba oo aanu isku difaaceyno” ayuu yidhi Wadaaka madaxda u ah masiixiyiinta Nigeria.

Madaxweynaha Nigeria Guudluck Johnathan ayaa ugu baaqay shacabka dalkaas in ay isdejiyaan oo ay ciidamada u ogolaadaan in ay hawshooda gutaan.

Balse waxa lagu arkayay magaalooyinka ay ciidamadu ka ugaadhsanayaan kooxda xagjiriinta ah ee Boko Xaraam shacab faro badan oo ka qaxaya.
Qurbejoog-Mubi
contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed