Mashruuca Biyo Balaadhinta Hargeysa ee Xumboweyne oo Bilaabmay Iyo Shirkadaha Ku Guulaystay Tartankii Guddida Qandaraasyada Qaranku Soo Bandhigeen
Hargeysa,2,Aug,2015(QJ/SDN)-Muddo dheer iyo Maraxalado faro badan kadib waxaa la gaadhay wakhtigii Sirasmi ah loo bilaabi lahaa Mashruuca Biyo balaadhinta ee Xumboweyne, mashrucaasi oo qayb ka ah mashaariicda dawlada isutaga imaaraatka Carabtu ka hirgelin rabto Somaliland, waxaana xiligan wado jir loo gudo galay sidii mashruuca haraad-tirida hargeysa hanaqaad ku noqon lahaa, meeshana ay uga bixi lahayd mudo kooban gudaheed biyo la’aanta Caasimada Somaliland oo xiligan maraysa halkii ugu darayd.
Todobaadkii hore ayaa gudida qandaraasyada qaranku shaaciyeen qaybo kamid ah qandaraasyada Mashruucaasi oo ka koobnaa afar mashruuc oo kala ah Laba Taangi kuwaaso qayb ka ah taangiyada kayd biyo balaadhinta oo laga kala dhisi doono Deegaanka Humboweyne iyo Duleedka Kaantaroolka Haleeya, halka laba qandaraas ee kalena ay kala yihiin Xarun Caafimaad iyo Guriga martida oo labaduba ka baxsan mashruuca balse si gaar ah loogu deeqay dadka deegaanka Xumboweyne.
Tartanka mashaariicdaasi ayaa waxaa ka qayb galay 24 Shirkadood oo ka kooban dhamaanba bulshada Somaliland qaybaheeda kala duwan, waxaana wadajir tartankaasi Cadaalada iyo xaqsoorkiisaba u wada daadihinaayey Madaxa imaaraatka u qaabilsan Mashaariicda Bani-aadamnimo ee wadamada saxaraha ka hooseeya, masuuliyiinta ugu saraysa gudida qandaraasyada qaranka, Xubin kasocota Wasaarada Khayraadka Biyaha iyo laba xubnood oo ka socda Culimo-awdiinka Somaliland.
Wejigii koowaad ee Tartanka mashaariicdaasi ayaa waxaa siweyn isugu dubariday Agaasimaha Waaxda qandaraasyada Aqoonyahan C/risaaq Maxamed Faarax “Japan” oo kaashanaya Agaasimaha guud ee gudida qandaraasyada iyo Gudoomiyaha Gudidaasi, waxaana kadib kolkii shirkadaha tartamayaa soo wada xereeyeen jawaab celintii mid kastaaba kaga qayb galaayey tartanka iyagoo isku duuban Agaasime waaxeedka iyo xubno kamid ah hawladeenada shirkada deeqda u qaabilsan Imaaraadka ay kormeer kusoo wada sameeyeen shirkaduhuna wadajir usoo wada arkeen goobaha rasmiga ah ee ay ka fulindoonaan mashaariicda kuwooda ku guulaysta.
Wejigii labaad ee tartankaasina waxaa shirkadaha dhamaantood xarunta qandaraasyada qaranka mid mid loogu soo bandhigay qadarka iyo qiimaha shirkad waliba usoo qoratay ka qaybgalka tartankaasi, waxaana kulankaasi wada jir u daadihinaayey una wada dhegaysanaayey Xubnaha deeqbixiyeyaasha, Gudida Qandaraasyada qaranka, wasaarada biyaha iyo xubnaha bulshada ka socday.
Wejigii Sadexaad waxaa gudidu soo saareen shirkadihii kusoo baxay Liiska kooban “Short list” halkaaso ay sii gudo galeen kala saarida shirkadaha kusoo baxay liiskaasi kooban oo aan dhamayn toban shirkadood.
Ugu dambayntii waxaa maanta sirasmi ah Gudida qandaraasyada qaranku ugu guulaysteen kala saarida shirkadahii isku soo hadhay taaso afartii mashruuc oo loo tartamaayey ay ku guuleysteen Sadex shirkadood oo kamid shirkadihii tartamaayey.
Sadexdaasi shirkadood ee ku kala Guuleystay afarta mashruuc ayaa waxay u kala heleen mashaariicdaasi sidatan, (a) Shirkada koowaad waxay ku guuleystay mid kamid ah dhismayaasha labada Taangi iyo weliba dhismaha Guriga martida ee Xumboweyne
(b) Shirkada Labaad waxay ku guulaysatay dhismaha hal taangi.
(C) Shirkada Sadexaad waxay ku guulaystay Dhismaha Xarunta Caafimaadka ee laga hirgelinayo deegaanka Xumboweyne.
Waxaana maalmaha soo socda shirkadaha qandaraaskaasi ku guulaystay oo bilaabi doonaan dhismayaasha iyagoo mudo kooban gudahoodna ku dhamaystiri doona.
Sitoos ah waxaa u bilaabmay mudo faro badan kadib mashruuca Xumboweyne oo haatan cidkastaaba yaqiinsatay inuu yahay kan kaliya ee haraadka ka bin kara shacab weynaha Caasimada hargeysa.
Muranada ugu faraha badan ee ka dhashay Carqaladayntii lageliyey mashruuca Xumboweyne ayaa waxaa kamid ahaa inaan biyaha laga soo qaadi doono Xumbo weyne aan gaadhsiin doonin Xaafadaha waaweyn ee Bulshada reer Xumboweyne ka dagan yihiin Caasimada kuwaaso qayb ka ah Koonfurta iyo bariga Caasimada oo ah meelaha Biyo la’aanta ugu badani ka jirto, waxaana tuhunka iyo shakigaasi meesha ka saartay kadib kolkii shacab iyo xukuumadba u cadaatay in mashruuca biyaha Xumboweyne is iskumid ah looga haqabtiri doono dhamaanba degmooyinka hargeysa ee biyo la’aantu ka jirto kuwaaso ay qayb ka yihiin bulshada kunool bulshada degaan ahaan Rabbi ku abuuray deegaanka Xumboweyne.
Sidoo kale waxaa iyaduna meesha ka baxday shakigii lagu abuurley beeraleyda iyo dadka deegaanka Xumboweyne ku dhaqan kaaso salka ku hayey tayada iyo awooda biyaha oo bulshadu walaac xoogan ka qabtay in biyaha Xumboweyne aanay kuwada filaan doonin Hargeysa iyo beeraha Xumboweyne, hase ahaatee waxaa shakigaasi noqday mid aan waxba ka jirin kaaso meesha ka baxay kadib kolkii Xukuumada gaar ahaan wasaarada Khayraadka Biyaha iyo hawlwadeenada shirkada mashruuca gacanta ku haysa ay sameeyeen Tijaabada awooda biyaha dhamaanba Ceelasha dawlada imaaraatku ka qoday xumboweyne kuwaaso mid mid iyo wadar ahaanba tijaabo loogu sameeyey mudo lix maalmood ah oo aan mar keliya la damin mashiinada biyaha, tijaabadaasi waxaa goob joog ka ahaa oo aan maalin qudha ka maqnayn waayeelka iyo waxgaradka reer Xumboweyne taasina waxay noqotay mid warbixintii kasoo baxday ay meesha ka saartay shakigii awooda biyaha bulshada deegaanku ka qabtay.
Sikastaba ha ahaatee dhamaanba Caqabadahaasi waxay haatan noqdeen kuwo meesha ka baxay waxaana xukuumadu yaqiinsatay natiijadii uga soo baxday dedaaladii mudada badan ay ugu jireen tijaabinta talaabo kasta oo qayb ka ahayd warbixinta dawlada imaaraatku ka soo saaratay sahankii Caalamiga ahaa ee Dawlada imaaraatku ku samaysay mashruucaasi Xumboweyne kaasi oo noqday layslana qaatay inuu yahay mid ay ka dheer tahay mad-madow iyo mugdiba.